Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Turkiga oo Soomaaliya keenay nidaamka difaaca hawada + Qorshaha socda

Recommended Posts

Deeq A.   
631425577_1495778915883331_7831101077106

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya keentay nidaamka difaaca hawada, xilli ay Ankara dalka ka bilaabayso qodista shidaalka, isla markaana ay ka hirgelinayso saldhig hawada sare ah oo laga ganayo dayax-gacmeedka.

Ankara ayaa maalmihii dambe dalka keenaysay nidaamkan difaaca, iyadoo maanta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ay kasoo degtay diyaarad xamuul millatari oo nooca Airbus A400M Atlas ah.

Diyaaraddan oo ay leeyihiin ciidamada cirka Turkiga ayaa ka soo kacday saldhigga cirka ee Kayseri Erkilet ee Turkiga, waxaana la rumeysan yahay in imaanshaheedu la xiriiri karo iskaashi milatari oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Ankara ay dhawaan Soomaaliya keentay diyaaradaha casriga ah ee dagaalka F-16.

Sidoo kale, Turkiga ayaa Soomaaliya u soo diray saraakiil ka kala socda ciidamada Cirka, Badda iyo Dhulka, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada-shaqeynta milatari ee labada dhinac.

Ankara ayaa sidoo kale xoojisay joogitaankeeda milatari ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka.

Maraakiibtaasi ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka la soo saarayo, xeryaha la dhisayo, iyo xarunta dayax-gacmeedka ee haatan lagu howlan yahay.

Si kastaba, Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyey ka waday shaqooyin diyaarin ah gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta bakhaarro lagu keydinayo diyaaradaha, qalabka dayactirka, iyo joogitaanka khubaro ku howlan hawl-gelinta iyo taageerada farsamo.

Waxaa la sheegaya in keenista nidaamkan difaaca iyo diyaaradaha dagaalka ay si dhow ula xiriirto qorshayaasha qodista shidaalka badda, oo la filayo inay billowdaan dabayaaqada sannadkan, iyo hindisaha kale ee dhismaha saldhig dayax-gacmeed oo laga hirgelinayo waqooyiga Muqdisho.

The post Xog: Turkiga oo Soomaaliya keenay nidaamka difaaca hawada + Qorshaha socda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this