Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan oo dalka kusoo laabtay iyo xogtii ugu dambeeyay wada-hadallada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-2-scaled.webp?fit=2560%2C17

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safarro shaqo oo rasmi ah oo uu ku kala bixiyay dalalka Qatar iyo Masar.

Madaxweynaha ayaa muddadii uu safarradaasi ku guda jiray, waxa uu kulammo miro-dhal ah la yeeshay madaxda sare ee dalalkaas, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in safarradan Madaxweynaha qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso inay ku xoojiso doorka dalka ee arrimaha gobolka iyo caalamka, isla markaana ku kasbato taageero caalami ah oo lagu garab istaago midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Madaxweynaha ayaa haatan guda galaya wada-hadalladii loo ballansanaa ee uu la yeelanayo Golaha Mustaqbalka toddobaadkan, iyadoo magaalada Muqdisho ay kusoo wajahan yihiin madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland.

Horay waxaa magaalada u soo gaaray saraakiil iyo la-taliyaal amni oo ka socda Jubbaland iyo Puntland, iyadoo berri la filayo in caasimadda yimaadan ilaalada madaxweynayaasha labada maamul.

Shirka ayaa lagu wadaa in ka hor maalinta Khamiista uu ka furmo gudaha Xalane, maadaama hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland ay ka biyo diideen inay tagaan Villa Somalia, iyagoo Xalane u arka goob dhexdhexaad ah oo amnigeeda lagu kalsoonaan karo.

Ajendaha shirka ayaa noqonaya arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaallada ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha, sida lagu gaaray kulamadii guddiyada farsamo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

Si kastaba, shirkan oo hore uga dib dhacay waqtigiisa ayaa haatan imanaya xilli ay kasii dareyso xiisadda dastuurka, kadib markii Villa Somalia ay dardar-gelisay wax ka beddelkiisa, iyadoo adeegsaneysa guddoonka baarlamaanka, si loo meelmariyo dastuurka lagu muransan yahay.

Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa u arka qorshaha wax ka beddelka dastuurka mid uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga dan leeyahay damac muddo-kororsi, taas oo ay si adag uga horyimaadeen.

The post Xasan oo dalka kusoo laabtay iyo xogtii ugu dambeeyay wada-hadallada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this