Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo kor u qaadaya taageerada Soomaaliya, si uu u buuxiyo booska…

Recommended Posts

Deeq A.   
630159341_1441853957981206_4496948809324

Riyaad (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kor u qaadaysa taageeradeeda ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-dhiska iyo tayeynta hay’adaha amniga dalka.

Sida looga wada-hadlay kulan ka dhacay Riyaad, labada dal ayaa xoojinaya iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga khibradaha amni, iyo horumarinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee labada dal.

Kulankan ayaa dhexmaray Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo safar shaqo ku jooga Sacuudi Carabiya, iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Abdulaziz bin Ayyaf.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray horumarinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Wasiir Fartaag oo kulanka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga doorka ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xasillinta dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo wax ku ool ah.

Amiir Abdulaziz bin Ayyaf ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Boqortooyada Sacuudiga ay ka go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada ay siiso hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Sidoo kale, dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah, kaas oo ay qalinka ku duugeen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Khaalid bin Salmaan.

Heshiiskan ayaa sii xoojinaya iskaashiga dhinacyada difaaca iyo milatariga ee labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Difaaca. Sidoo kale, wuxuu daboolayaa dhinacyo kala duwan oo ay labada dal si wadajir ah u danaynayaan.

Tallaabadan ayaa sii xoojinaysa iskaashiga difaaca, is-weydaarsiga khibradaha, iyo la socodka tiknoolajiyada casriga ah ee amniga iyo warshadaha militariga.

Si kastaba, Sacuudiga ayaa u muuqda inuu buuxinayo booska Imaaraadka Carabta, oo dhawaan Soomaaliya ay ka cayrisay gudaha dalka, sidoo kalena ay baabi’isay dhammaan heshiisyadii horay loola galay, oo ay ku jiraan kuwa difaaca.

631648518_1441853884647880_8290685261817

629142602_1441853897981212_4279519753344

630308062_1441853901314545_6514111948890

630159341_1441853957981206_4496948809324

The post Sacuudiga oo kor u qaadaya taageerada Soomaaliya, si uu u buuxiyo booska… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this