Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Muqdisho Telefiishanka Al-jazeera ma waxay ka dhigteen TV-gii qaranka Soomaaliya oo ay kula dagaalamaan qaddiyadda Somaliland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Tan iyo wixii ka dambeeyey aqoonsigii ay Jamhuuriyadda Somaliland ka heshay dalka Israa’iil 26 December 2025, telefiishanka Al-jazeera ee dalka Qatar waxa uu fagaare siyaasadeed iyo makarafoon cod-baahiye ah u noqday Maamulka Muqdisho.

Waxay waraysiyo joogto ah la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Waxa kaloo ay Xasan Sheekh shalay ku casuumeen madasha Al-jazeera oo lagu naqdiyey aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la hadlay Al-jazeera ayaa sheegay in beel qudha oo la yidhaahdo ‘ISAAQ’ ay Somaliland ku soo ururtay.

Hadalkaasi oo kalena hore Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uga sheegay Safiirka UN-ta u fadhiya Soomaaliya, taasi oo muujisay in aanay Soomaaliya haysan dood sharci iyo mid siyaasadeed oo ay ku buriso aqoonsiga iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, sidaas darteedna ay qaddiyadda Somaliland mid qabiil uga dhigayso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this