Deeq A. Posted Saturday at 08:51 AM Kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo la doonayay in looga doodo wax ka beddelka qodobo ka mid ah dastuurka ayaa waxaa hareeyay buuq iyo sawaxan. Xildhibaanada mucaaradka ah oo ku dhawaad 20 ka mid ah loo diiday in ay qaybgalaan kulanka ayaa weli diidan ajandaha, iyaga oo ku doodaya in qorshaha wax ka baddelka dastuurka uusan marin wadatashi iyo habraac sharci, halka xildhibaanada muxaafidka ah doonayaan in wax ka baddel lagu sameeyo cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka. Kulanka waxaa ka maqan guddoomiye Aadan Madoobe oo safar dibada ah jira, waxaana hoolka baarlamaanka ku jira ciidamo badan oo boolis ah, kuwaas oo ay cabasho ka muujiyeen qaar ka mid xildhibaanada. Waa kulankii saddexaad oo oo xiriir ah oo baarlamaanka labada aqal ee federaalka yeeshaan oo uu hareeyo buuq iyo sawaxan la xiriira wax ka beddelka qodobo ka mid ah dastuurka. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu gebi ahaanba joojiyo wax ka baddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka, hase ahaatee madaxweynahu wuxuu dardargeliyay sii wadida qodobkaas. Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta waxay wax ka baddelka dastuurka ku tilmaameen mid lagu carqaladeynayo gogosha ay aqbaleen ee taalla Muqdisho. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites