Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo war ka soo saartay wax ka baddelka dastuurka federaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1770492087445-1440x960.jpg

Jubaland ayaa sheegtay in Dowadda Federaaalka ah ee Soomaaliya si mas’uuliyad darro ah ugu tumatay dastuurkii lagu doortay, kaddib markii ay wax ka baddelkiisa u martay hannaan baalmarsan sharciga.

Hadal qoraal ah oo caawa ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka ah waxay si mas’uuliyad darro ah ugu tumanaysaa dastuurkii lagu doortay, iyada oo wax ka baddelkiisa u maraysa hannaan baalmarsan habraacyadii ku qornaa wax ka baddelka dastuurka..”.

Sidoo kale Jubaland waxay mas’uuliyad darro weyn ku tilmaantay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay xarunta Baarlamaanka Federaalka, iyada oo sheegtay in xildhibaanada diidan go’aanka uu dabada ka riixayo madaxweyne Xasan Sheekh ay la kulmeen jirdil iyo handadaad halis gelisay nafdooda.

“Ficilladii u dambeeyay ee ka dhacay goleyaasha baarlamaanka waxay muujinayaan xilkasnimo-darro weyn, iyada oo xildhibaanada ka soo horjeeda go’aanka uu dabada ka riixayo madaxweynaha waqtigiisu gabagabada yahay ay la kulmeen jirdil iyo handadaad halis gelisay nafdooda” ayay tiri Jubaland.

Julaland waxay xustay in deegaannadeeda iyo shacabkeeda aan lagu dhaqi doonin dastuur aan loo dhammeyn oo haysan kalsoonida xubnaha labada gole iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

1000131558-1152x1440.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this