Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh iyo Cabdifataax Al-Sisi oo kulan ku qaadanaya Qaahira

Recommended Posts

Deeq A.   
1000131698.jpg

Madaxweynaha dowadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah uga bilaabatay magaalada Qaahira, taas oo la sheegay in ay qayb ka tahay dadaallo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya iyo Masar.

Hadal qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu magaalada Qaahira kulan muhiim ah kula qaadan doono dhiggiisa dalka Masar Cabdifataax Al-Sisi, uuna kala hadli doono xoojinta iskaashiga labada dalka, arrimaha gobolka iyo doorka Soomaaliya iyo Masar ay ka qaadan karaan xasilloonida, nabadda iyo badbaadada marinada ganacsiga ee muhiimka u ah gobolka iyo caalamkaba.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu xusay in safarka madaxweynaha uu qayb ka yahay booqashooyin uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, kuwaas oo uu diiradda ku saarayo adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan, horumarinta danaha qaranka iyo taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this