Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay wax ka baddelka dastuurka

Recommended Posts

Deeq A.   
1000131678.jpg

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa soo dhaweeyay wax ka baddelka dastuurka oo ay diidan yihiin qaar ka mid ah xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta.

Cumar Cabdirashiid oo shir jaraa’id kaga hadlay arrintan ayaa yiri “dowladda waan uga mahadcelinayaa in ay hirgeliso heshiiskii aan la galnay ee ahaa wax ka baddelka dastuurka, kaas oo baarlamaanka la horkeenay,”.

Wuxuu si gaar ah u taageeray wax ka baddelka saddex qodob oo ka mid ah cutubka 4-aad ee dastuurka, qodobbadaas oo ka hadlaya doorashada Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kuwaas oo ay hore ugu heshiiyeen siyaasiyiin uu ka mid yahay iyo madaxda dowladda federaalka.

Dhanka kale Cumar Cabdirashiid wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda iyo Golaha Mustaqbalka in ay muhiim tahay in ay shirka Muqdisho heshiis ku gaaraan, islamarkaana loo wada mideebo xaaladda kala guurka ah ee dalka.

Sidoo kale Cumar Cabdirashiid wuxuu ku baaqay in xaaladda abaarta il gaar ah lagu eego oo laga wada qaybqaato gurmadka dadka ay saameysay abaarta ba’an ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid wuxuu ka mid ahaa garabkii Madasha Samatabixinta ee 25 Agoosto 2025 heshiiska la galay Villa Somalia, haddana waa hoggaamiyaha xisbi siyaasadeed 6-dii Sebteembar 2025 la diiwaangeliyay.

Hoos ka daawo hadalka Cumar

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this