Deeq A. Posted 13 hours ago Safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Mario Dacco Coppi iyo madaxa hay’adda iskaashiga Talyaaniga (AICS) ee Soomaaliya, Dr. Valeria Buoninfante ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Safiirka Talyaaniga iyo wafdigiisa waxay la kulmeen madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, iyaga oo ka wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan horumarka ka socda Puntland ee dhinacyada dimuqraadiyadda, amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Sidoo kale waxaa kulanka lagu xusay taariikhda dheer ee ka dhaxaysa dawladda Puntland iyo dalka Talyaaniga, sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dhinac, xaaladda abaaraha iyo ugu dambayn sidii looga gudbi lahaa hubanti la’aanta siyaasadeed ee Soomaaliya wajahayo xilligan kala guurka ah. Kulanka waxaa qayb ka ahaa xubno ka tirsan golaha wasiiradda Puntland iyo madaxa la socodka mashaariicda iyo hawl-fulinta dawladda. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites