Deeq A. Posted 15 hours ago Intuusan dagaalkii labaad caalamka ka qarxin afar sano ka hor, waxaa caalamka ku soo biiray dhallaan yar oo taariikhda gumaystaha iyo siday Afrika u arkaan wax ka baddeli doona. Bisha Diseenbar kol ay 8 marayso, sannadkuna yahay 1941 waxaa magaalada Likasa, ee berigii gumaystaha Biljimka loo aqoon jiray Jadotville, ku dhashay Valentin Mudibe. Waagaa mashruucyadii gumaystaha Afrika, waxaa qeyb ka ahaa mashruucii kaniisadaha ee lagu doonayay in lagu faafiyo diinta Kirishtanka, oo waxay iskuullo badan ka furteen waddamo badan oo qaaradda ku yaalla, oo Koongo ay qeyb ka tahay. Valentin wuxuu ka mid ahaa ardaydii laga qoray mid ka mid ah iskuulladaas Kirishtanka Kaatooligga ah, wuxuuna markaas ku biiray dariiqada Benedictine monastery oo ka mid ah xerta wadaadka St. Benedict. Isaga oo xerow 17 jir ah ayuu siminaar gaaban iyo safar kooban oo diin kororsi ah kaga qeybgalay dalka Rwanda. Muddadii uu Rwanda ku sugnaa wuxuu daraaseynayay fiqiga diinta kirishtanka iyo daraasaadkii kalaasigga ahaa, taasoo u fududaysay inuu dhex mirqo luuqadaha Laatiinka iyo Giriigga. Safarkan tacliineed wuxuu u sahlay inuu wax ka dheehdo dhigaalladii ay qoreen falaasifadii waaweynaa ee Giriigga u dhashay. Waqtigaa uu xerowga diineed ahaa waxaa uu Mudibme la kulmay dhacdo noloshiisa wax weyn ka baddeli doonta. Sannadkii 1959kii waxaa colaad ka dhex dillaacday bulshadii Tutsiga iyo qabiilka Hutuga, taasoo keentay in la laayo bulsho badan oo Tutsi ah. Wuxuu qeyb ka ahaa dadkii gacmihiisa ku duugay dadkii xasuuqa loo geystay. Kaniisaddii Kaatooligga waxaa loo arkayay oo u muuqatay mid taabacsan qabiilka Hutuga, tanina waxay ku sababi doontaa inuu Valentin fahmo dibindaabyada uu gumaystuha kala dhex dhigayo bulshada Afrikaanka ah ee dalka wada daga iyo sida ay bulshada u qeybinayaan. Waxaa qaadanwaa’ ku noqotay kaniisaddii diineed ee qeybta ka ah xasuuqa socda oo weliba dhinac ka afuufaysa dhimbisha colaadeed ee dhex taalla labada qabiil. Dhacdadan doogta iyo damaqa leh waxay ku sababaysaa inuu iskaga baxo kaniisadda oo halkaas wuxuu ku soo afjarayaa xerownimada iyo ka mid ahaanshiyaha dariiqada Benedictine Monastery iyo tacliintii uu ka dhiganayay jaamacadda kaniisaddu maamulaysay ee Lovanium oo hadda loogu yeero Jaamacadda Kinshasa. Marka uu tallaabadan qaadanayo waa inan labaatan jirsaday oo waxay taariikhdu ku beegan tahay sannadkii 1962dii. Mudimbe, safarkii Rwanda wuxuu u ahaa bar ay ka hanaqaadi doonto afkaartiisa gumays-la-dirirka ah iyo dirirta uu la galay sida uu gumaystuhu u qeexay Afrika. Safarkiisii Tacliineed iyo Waayihiisii Yurub Dhacdadii Rwanda ka dhacday ka dib wuxuu u jeesanayaa dhanka Yurub, oo waxa uu halkaas ka billaabayaa barashada Falsafadda jaamacadda Louvain ee dalka Biljimka ku taalla. Markii uu darajada labaad dhammeeyo waxa uu billaabayaa darajadiisa PhD inuu ka diyaariyo falsafadda jaamacadda Paris ee dalka Faransiiska. Waxa uu ku soo laabanayaa dalkii uu ku dhashay markii uu soo dhammeysto safarkiisa waxbarasho sannadkii 1970, si uu wax uga dhigo jaamacadda Lovanium. Madaxweynihii dalka Koongo ee xilliyadaas hoggaanka hayay, ayaa sannaddii 1973dii qarameeyay labo jaamacad oo ay gacanta ku hayeen kaniisadda Kaatooligga iyo Protestant-ga ee lagu kala magacaabi jiray Lovanium iyo Congo Free, isaga oo ku daray Jaamacadda Dawladda ee Lubumbashi, si dhammaantood loogu mideeyo hal jaamacad qaran oo loo bixiyay Jaamacadda Qaranka ee Zaïre (UNAZA). Markaas ka dib, Valentin wuxuu noqday hoggaanka kulliyadda culuunta aadanaha. Valentin, wuxuu ahaa filasoofar ku caanbaxay darsidda iyo naqdinta gumaystaha iyo aragtiyaha uu ka qabo Afrikaanta, laakiin kacaannimadan aqooneed ee uu waday waxaa ka horyimid hoggaankii dalka oo kalitalisnimo ku suntanaa. Tanina waxay ka hortimid dhaqdhaqaaqii uu Valentin waday, waxayna horseedday in sannadkii 1980meeyadii uu dalka iskaga cararo isagoo raacay xaaskiisii oo Mareykan u safraysay. Waayihii tacliineed iyo waxsoosaarkiisaba waxay ku bulaaleen oo ay ku koreen gudaha dalka Mareykanka iyo Jaamacadda Duke oo uu barasare ka ahaa, isaga oo wax ka dhigayay daraasaadka Afrika iyo tacliinta falsafadda. Waxsoosaarkiisii Dhaxalgalka Noqday Imaanshiyihiisii Mareykan waxay u ahayd fursad uu aqoon ahaan iyo maskax ahaanba u koro maadaamaa uu ahaa dhul uu ka helay xorriyad fikir, tacliin sarraysa iyo cid aqoontiisa ka dhegaysata. Sannadkii 1988dii, wuxuu soosaaray buuggiisii caanbaxay ee lagu magacaabo the Invention of Africa. Buuggiisan wuxuu ku jiraa buugta lafdhabarta ah ee daraasaysa Afrika iyo, sidoo kale, daraasaadkii gumaystaha kadib. Valentin buuggiisa wuxuu ku soo bandhigaya sida nidaamka tacliineed ee Galbeedku u dhisay aragtida iyo si-u-aragga Afrika caalamku ka heysto. Wuxuu ku tilmaamayaa buuggiisa sida aragtida Afrikaanku naftooda ka heystaan uu gumaystaha Yurub u abuuray asigoo u maraya adeegsiga Kaniisadaha, antroboolojiga iyo falsafadda. Valentin dhiganihiisan wuxuu dib-ka-tir ku samaynayaa tacliinta gumaystaha ee u saamaxday inay, mar kale, dib Afrika kaga maamulaan. Waxsoosaarkan Valentin uu qalinka u qaatay wuxuu ka mid yahay dhiganayaasha ugu muhiimsan ee daraasaadkii gumaystaha Yurub ee uu Afrika kaga tagay. Sannad ka dib, wuxuu soosaaray sheekafaneed uu ku qoray af Faransiis oo lagu magacaabo Shaba deux. Wuxuu kaga warramayaa sheekafaneeddan, dagaalladdii iyo khilaafyadii ka taagnaa dalka Koongo sannadkii 1978dii iyo sida dagaalladaas u saameeyeen nafsadda iyo ruuxda shacabkii Zaire ee hadda Koongo loo yaqaanno. Sannado ka dib waxaa soo baxay dhigane kale oo kii hore aad xiriir ula leh oo lagu magacaabo The Idea of Africa. Valentin wuxuu buuggan ku soo bandhigayaa sida ay u samaysantay fikradda iyo aragtida ay gumaystaha Galbeed ka haystaan bulshada Afrikaanta iyo sida ay Afrikaanka laftirkoodu isu arkaan. Dhiganahani waa mid uu, sidoo kale, ku lafagurayo tacliinta gumaystaha iyo sida ay u soosaartay aqoonyahanno ku hubaysan tacliin gumayste, in nidaamkaas aqooneed dib loo baaro oo laga guuro ayuu ku talinayaa. The Invention of Africa iyo The Idea of Africa, waa labo dhigane oo tiirar u ah maaddooyinka lagu daraaseeyo cilmibaaristii gumaystaha ka dib iyo, si guud, daraasaadka Afrika. Gunaanad Valentin Mudimbe waxa uu ka mid yahay tiirarka aqooneed ee qaaradda Afrika ku taagnayd, wuxuuna udubdhexaad u ahaa suugaantii ku dhisnayd gumaysi-la-dirirka iyo in la iska xoreeyo raadkii gumaystaha. Waqtigiisii, intii uu noolaa oo dhan, waxa uu foogganaa in uu qaaraan badan ku darsado daraasaadka Afrika iyo suugaanta gumaystaha ka dib (post-colonial literature). Waxaa aad loogu xusuusan doonaa labadiisa dhigane ee uu sida aadka ah ugu faaqiday tacliinta gumaystaha iyo bulshada Afrika. Valentin wuxuu ahaa filasoofar, suugaanyahan gabayada iyo sheekafaneedda qora iyo aqoonyahan daraasaddiisu ku foorarto Afrika iyo daraasaadka gumaystaha ka dib (post-colonial studies). Sannadkii 2025 bisha Abriil oo 22 maraysa ayuu ku geeriyooday North Carolina ee dalka Maraykanka. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites