Sign in to follow this  
Deeq A.

DHABBAHA LOOGA BIXI KARO ISMARIWAAGA SIYAASADEED EE SOOMAALIYA

Recommended Posts

Deeq A.   

WQ: Dr. Afyare CAbdi Cilmi (Febraayo 21, 2021)

WT: Cabdiraxmaan Xirsi Daahir

Hordhac

Soomaaliya waxay ku jirtaa qalalaase siyaasadeed. Markii ugu horraysay taariikhda dhow ee dalka, muddadii afarta sano ahayd ee baarlamaanka iyo xukuumadda ayaa dhammaatay iyadoo aan la soo xulin ama la dooran maamul cusub, isla markaana aan la gaarin heshiis siyaasadeed oo kale oo ay ku heshiiyaan dhammaan dhinacyada ay khusayso. Qalalaasaha siyaasadeed wuxuu ka dhashay kalsoonidarro qotadheer oo ka dhex jirta xoogagga kala sii jiidaya midnimada siyaasadeed iyo kuwa iskudayaya midaynta Soomaaliya. Kalsoonidarradan ayaa sii xumaatay sannadihii u danbeeyay, sababo la xiriira habmaamul ku salaysan xukun iskukoobid uu adeegsaday madaxweynihii xilka hayay, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), iyo awooddarrada xukuumaddiisu ay ku maarayn kari wayday nidaamka siyaasadeed ee adag uguna nugul ee dalka ka jira.

Kalaqeybsanaan Siyaasadeed oo aad u Daran

Marka laga soo tago Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS) iyo kooxaha mucaaradka ee dalka ka jira, waxaa jira xoogag siyaasadeed kale oo dhawr ah oo saamayn weyn ku leh masraxa siyaasadda Soomaaliya. Soomaalilaan, oo ka mid ahayd labadii gobol ee sameeyay Jamhuuriyadda Soomaaliya, sannadkii 1960, waa mid ka mid ah xoogaggaas siyaasadeed. Soomaalilaan waxay si hal dhinac ah ugu dhawaaqday gooni-isu-taag sannadkii 1991dii. Tan iyo markaas, waxay ku guulaysatay dhismaha hay’ado dawladeed oo u gaar ah iyo qabashada doorashooyin joogto ah, balse weli ma helin aqoonsi caalami ah. Inkasta oo ay si dhab ah (de facto) u madaxbannaan tahay, haddana nidaamka awood-qaybsiga ku salaysan ee qabiilka ah, 57 kursi oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya (qiyaastii 17%) ayaa loo qoondeeyey beelo ka soojeeda degaannada Soomaalilaan. Musharraxa madaxweyne ee hela taageerada xildhibaannadan wuxuu leeyahay fursad weyn oo uu ku noqon karo madaxweynaha Soomaaliya.

Marka laga soo tago Soomaalilaan oo gooni-isu-taagtay, Soomaaliya waxay ka kooban tahay lix maamulgoboleed  oo xubno ka ah federaalka (FMS): Galmudug, Hirshabeelle, Jubbalaan, Buntilaan, Koonfurgalbeed [iyo Waqooyibari  oo sannadkii 2025 la aqoonsaday]. Inkasta oo si rasmi ah ay uga tirsan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, isla markaasna ay hoos yimaadaan awoodda Dawladda Federaalka ah (FGS), haddana mid kasta wuxuu leeyahay dastuur iyo ajande siyaasadeed oo u gaar ah.

Sida Soomaalilaan oo kale, maamulgoboleedyadani waxay leeyihiin saamayn weyn oo ku aaddan sida doorashooyinka federaalka ah loo qabto iyo sida dalka loo maamulo. Tan ugu muhiimsan ayaa ah in mid kasta uu si duwan oo u gaar ah u sawirto aayatiinka Soomaaliya, mararka qaarkoodna ay u dhaqmaan sida dawlado madaxbannaan, halkii ay ka ahaan lahaayeen xubno si buuxda ugu hoos jira dawladda  dhexe.

Maanta, marka laga reebo ururrada bulshada rayidka ah iyo garabka haweenka, xoogagga siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya ka jira waxaa guud ahaan loo kalaqeybin karaa labo garab oo waaweyn: Taageerayaasha dawladda dhexe (Koonfurgalbeed, Hirshabeelle, Galmudug [iyo Waqooyibari]) iyo taageerayaasha isbahaysiga mucaaradka, oo ay ka mid yihiin Buntilaan iyo Jubbalaan. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa sii adkaanaysa maadaama oo ay jiraan quwado shisheeye oo si dadban u kala taageera labada dhinac, taas oo sii hurinaysa khilaafka siyaasadeed, isla markaasna adkaynaysa in xal rasmi ah la gaaro.

Isu Tanaasul La’aanta Siyaasadda Soomaaliya 

Dalabka iyo rabitaanka iskhilaafsan ee maamulgoboleedyada xubnaha ka ah federaalka, oo ay weheliyaan xasiloonidarrada siyaasadeed ee ka jirta guud ahaan gobolka, ayaa ka dhigaysa in heshiis siyaasadeed oo Soomaaliya dhex mara uu, had iyo jeer, noqdo mid taag daran oo aan xal dhalin; waxaana loo baahan yahay hoggaamin dhab ah oo waaqici ah, si loo ilaaliyo xasilloonida dalka.

Halkii ay ahayd in sare loo qaado dadaallada lagu xoojinayo wadashaqaynta iyo kalsoonida u dhexeysa dhinacyada siyaasadeed ee dalka, Madaxweynihii Hore ee Farmaajo tan iyo xilqabashadiisii hore ee 2017dii wuxuu ku gudo jiray siyaasado shacbawiyad (populism) ku dhisan oo ujeedkoodu yahay in awoodda dawladda dhexe la sii xoojiyo. Isaga oo kaashanaya Ra’iisulwasaarihiisii Hore Xasan Cali Khayre. Farmaajo wuxuu afartii sano ee muddaxileedkiisa ahayd xilalka ka saaray raggii la loollamayay heer gobol iyo heer qaranba. Farmaajo iyo Khayre waxay shaqada ka eryeen, Alle ha u naxariistee, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyihii Golaha Shacabka, iyo Ibraahin Iidle Sulaymaan, garsoorahii ugu sarreeyay Maxkamadda Sare. Sidoo kale, waxay xilka ka qaadeen madaxweynayaashii Koonfurgalbeed, Hirshabeelle, iyo Galmudug, iyagoo beddelay oo soo xushay kuwo la xulufo ah oo taageera.

Intaas waxaa sii dheer, halkii ay ka shaqayn lahaayeen xoojinta is-afgaradka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo hirgelinta siyaasado wax-ku-ool ah si ay dawladda uga ilaaliyaan qalalaasaha siyaasadeed ee mustaqbalka, Kheyre iyo Farmaajo waxay dadaalkooda diiradda ku saareen ballaarinta saldhiggooda taageerada, iyagoo adeegsanaya bandhigyo xayeysiis ah. Waxay tamar iyo kheyraad badan ku bixiyeen dhismaha sawirrada, hal-ku-dhegyada, astaamo iyo ololaha baraha bulshada, laakiin way ku guuldarraysteen inay qaadaan wax tallaabo ah oo dhab ah, oo lagu midaynayo qaranka aadka u sii kala qeybsan. Waxay, sidoo kale, dhinac iska dhigeen hay’adihii go’aannada iyo siyaasadaha dalka jaangooynayay, waxayna isku dayeen inay awoodda siyaasadeed oo dhan ku xoojiyaan gacanta dhawr shakhsi oo daacad u ah maamulkooda. Intii ay xukunka hayeen, awoodda dhexe waxay gaartay heer ay Golaha Wasiirrada, Baarlamaanka iyo dhammaan hay’adaha kale ee dawladda ka dhigeen kuwo aan la isku hallayn karin.

Xukuumadda Madaxweyne Xasan ee hadda talada haysana isla waddadii hore ee Farmaajo jeexay ayay ku dul socdaan oo wax isbeddelay ma jiro.

Maamulka Farmaajo ayaa, sidoo kale, hub ahaan u adeegsaday awoodda sharciyeed ee dawladda, wuxuuna hay’adaha dawliga ah u adeegsaday mucaaradka si uu u ciqaabo. Tusaale ahaan, dawladdu waxay ciidamada amniga u adeegsatay siyaasiyiin, waxay u diiday in ay u duullaan Kismaayo, dhanka kalana wuxuu joojiyay qorshayaal gaar ah oo ay beesha caalamku u adeegsanaysay la macaamilka Soomaalilaan. Farmaajo iyo Kheyre, sidoo kale, ma aysan u furfurnayn dhaleecaynta kaga timaadda Beesha Caalamka. Tusaale ahaan, bishii Janaayo sanadkii 2019kii, waxay cayriyeen wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ka dib markii uu su’aalo ka keenay dilal sharcidarro ah oo loo geystay dibadbaxayaal ka soo horjeeday maamulgoboleedka Koonfurgalbeed. Ugu danbayntii, xitaa Kheyre ma hor-istaagi karin rabitaanka Farmaajo ee ah inuu keligiis xukumo dalka. Markii labada xulafo (Kheyre iyo Farmaajo) ay isku khilaafeen sida iyo goorta loo qaban lahaa doorashooyinka soo socda, isla markaasna ay caddaatay himilooyinka madaxweynenimo ee Kheyre, xubnaha baarlamaanka ee daacadda u ah Farmaajo ee Aqalka Hoose waxay codka kalsoonida kala noqdeen Kheyre iyo golihiisii wasiirrada.

Siyaasadda Doorashada Soomaaliya

Inkasta oo codbixinta guud ee shacabka (universal suffrage) ay weli riyo fog u tahay Soomaaliya, tan iyo markii la aasaasay Jamhuuriyadda Saddexaad, sannadkii 2000, dalka waxa uu qabtay doorashooyin dadban dhowr jeer, waxaana xukunka soo maray shan madaxweyne iyo dawlado kala duwan.  Walow ay doorashooyinkii dadbanaa suurtagal ka dhigeen in awoodda si nabad ah loo wareejiyo tiro dhawr jeer ah taariikhda dhow ee Soomaaliya, haddana la’aanta nidaam doorasho oo shaqaynaya, caddaalad ah oo si siman loo aqbalay, weli waa caqabad weyn oo ku go’an  dhabbaha  dalka lagu gaarsiin lahaa nidaam maamul oo dimuqraadi ah. 

Intii ay xukunka hayeen, Farmaajo iyo Kheyre marar badan ayay ku guuldarraysteen inay soosaaraan qorshe doorasho oo ay aqbali lahaayeen inta badan dhinacyada awoodeed ee dalka. Sidoo kale, caqabaddani iyaga keligood kuma koobnayn ee, maamulka Xasan Sheekhna tiro dhawr jeer ah ayuu ku fashilmay inuu la yimaado qorshe siyaasadeed oo doorashada la xariira, kaasoo dhinacyada kaladuwan ay ku qanci karaan.

Markii hore, Farmaajo iyo Kheyre waxay doonayeen nidaam doorasho oo xiran oo ku salaysan matalaad saamiley ah. Ka dib, waxay iskudayeen nidaam uu hoggaamiyaha xisbi ama isbahaysi ee ku guulaysta doorashada baarlamaanka uu si toos ah u noqdo madaxweynaha dalka. Inta badan dawladgoboleedyada, baarlamaanka iyo mucaaradkuba waxay labadan soojeedin u arkeen sidii isku day lagu qalloocinayo doorashada, isla markiiba si degdeg ah ayay u diideen.

Markii dhammaadka muddaxileedkiisii madaxweynenimo soo dhowaaday, Farmaajo wuxuu ku dhawaaqay inuu doonayo inuu sii joogo xafiiska ilaa doorasho laga qabto. Tani waxay sii caragelisay mucaaradka, kuwaas oo muddo dheer aaminsanaa in Madaxweynuhu si ulakac ah u hakinayo wadahadallada qaran ee ku saabsan qaabka doorashada loo qabanayo, oo weliba si sharcidarro ahna uu waqtigiisa xukunka u kordhinayo. Farmaajo iyo dawladdiisii ku dhisnayd siyaasadda shacbawiga iyo xukun iskukoobka waxay hoos u dhigeen horumarka dimuqraadiyadda Soomaaliya, waxayna sii xoojisay kalaqeybsanaanta siyaasadeed ee dalka ka jirta.

Inkastoo dad badan oo Soomaaliyeed ay taageeraan dadaallada lagu xakameynayo awoodaha maamulgoboleedyada ee marar badan caqabad ku noqda awoodda dowladda dhexe, haddana ma taageerin rabitaanka muuqda ee Farmaajo ku doonayo in la xoojiyo awoodda dawladda dhexe, la aamusiyo dhammaan mucaaradka siyaasadeed, isla markaasna uu dalka u horseedo xukun hal qof ah oo dalka ka taliyo.  Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisu waxay xoogga saareen dagaalladoodii ay kula jireen mucaaridka iyo mustaqbalkooda siyaasadeed ee ay leeyihiin, taasoo ka dhigtay inay ku guuldarraystaan fulinta hawlahoodii ugu muhiimsanaa ee ay ka mid yihiin: ilaalinta amniga qaranka, kordhinta kaqeybgalka siyaasadeed, horumarinta dastuurka, dib-u-habaynta garsoorka, iyo waxa ugu muhiimsan oo ah dhisidda nidaam doorasho oo shaqaynaya. Natiijadii ka dhalatay wixii ay faleen, Soomaaliya waxay gelisay  qalalaase siyaasadeed, waxayna wajahaysaa mustaqbal aan la hubin.

Xalka looga Bixi Karo Xaaladdan Adag

Si kastaba ha ahaatee, weli waqti ayaa la heystaa wax looga beddeli karo xaaladda murugsan ee uu dalku ku jiro. Haddii dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed ay dib ugu soo laabtaan miiska wadaxaajoodka, aqbalaan in qofna aanu mar walba ku guuleysan karin siyaasadda Soomaaliya, isla markaasna bilaabaan inay ka shaqeeyaan sidii xal dhexdhexaad ah loo heli lahaa; dalku wuu ka soo noqon karaa xaaladda uu ku dhow yahay ee ah burbur. 

Ka dib muran iyo kala qeybsanaan badan, dhinacyada is-haya si daacad ah uma wadaxaajoon karaan, iyada oo aysan jirin dhexdhexaadiye ka socda dhinac saddexaad oo madaxbannaan oo ka tirsan Beesha Caalamka. Laakiin, marka dhexdhexaadiye la magacaabo, dhammaan mucaaridku waxay isugu yimaadaan hal meel si ay uga wadahadlaan dalabyadooda siyaasadeed iyo cabashooyinka ay qabaan. Si kastaba ha ahaatee, xalka waaraya wuxuu noqon doonaa in la soo bandhigo xaddidaad ku aaddan hal muddaxileed ah oo madaxweynuhu hal mar kaliya xilka qaban karo ah iyo in la helo hab doorashooyinka baarlamaanka iyo doorashooyinka madaxweynaha lagu kala qabto waqtiyo kala duwan.

Soomaaliya waxay ku guulaysatay nidaamkaas 1960meeyadii, dadku waxay doorteen xildhibaanno sannadihii 1959/1960, 1964 iyo 1969 halka xubnaha baarlamaanku ay doorteen golaha fulinta sannadihii 1961 iyo 1967. Nidaamkaan wuxuu ka hortagayaa in doorashada baarlamaanka iyo midda madaxweynaha ay hoosta iska soo galaan iyo in ay madaxdu muddo kororsi sameeyaan.  

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this