Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: 6 qof oo Moroccan ah oo lagu haysto Garowe oo baahiyay muuqaal naxdin leh

Recommended Posts

Deeq A.   
Garoowe-scaled.jpeg?fit=2560%2C1696&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) — Lix muwaadin oo u dhashay dalka Marooko kuwaas oo ku xiran xabsiga weyn ee magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland, ayaa codsi degdeg ah u diray dowladda dalkooda, iyagoo sheegay inay weli u xiran yihiin si sharci darro ah.

Raggan oo muddo dheer ku jiray xabsiga ayaa sheegay in inkastoo labo sano ka hor ay maxkamadi ku weysay eedihii argagixisada ee loo heystay, isla markaana lagu xukumay in dalka laga tarxiilo, ay weli ku go’doonsan yihiin gudaha xabsiga.

Mid ka mid ah maxaabiistan oo lagu magacaabo Maxamed Al-Busadi ayaa muuqaal dhowaan lagu baahiyay baraha bulshada ku sheegay in wakiillo ka socda Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ay booqdeen bishii Jannaayo ee sannadkan. Al-Busadi ayaa xusay in loo sheegay in dhammaan galalka dacwadooda iyo dukumentiyadooda sharciga ah loo gudbiyay safaaradda Marooko ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sida uu sheegay maxbuuskan, mas’uuliyiinta Laanqayrta Cas ayaa u xaqiijiyay in dhammaan nidaamkii maamul la soo afjaray, balse ay hadda sugayaan oo kaliya waraaqaha aqoonsiga safarka iyo tikidhada diyaaradda si ay dalkooda ugu laabtaan. Waxa uu intaas ku daray in dowladda Marooko ay horay u oggolaatay inay bixiso kharashka ku baxaya dukumentiyadaas.

Baaq loo diray boqorka

Maxamed Al-Busadi ayaa baaq toos ah u diray Boqorka dalka Marooko, Maxamedka Lixaad, isagoo ka codsaday inuu soo dhex galo arrintooda si loo soo afjaro dhibaatada ay ku jiraan.

“Laba sano ka hor ayaa nala bari-yeelay, waxaana naloogu xukumay in dalka naga la tarxiilo. Dhammaan faylasheenii waa diyaar, waxaan u dhiman nahay oo kaliya tigidhada diyaaradda,” ayuu yiri Al-Busadi oo muuqaalka ka soo muuqday isagoo ka walwalsan xaaladdiisa.

Maxaabiistan ayaa sidoo kale ka cabanaya duruufaha nololeed ee ka jira gudaha xabsiga, iyadoo dhowaanna la filayo inay dhalato bisha barakaysan ee Ramadaan. Al-Busadi ayaa xusay inay la tacaalayaan cunno iyo biyo yari baahsan, taas oo ka dhigaysa noloshooda mid aad u adag.

“Xaaladda halkan ka jirta waa mid aad u qallafsan. Biyaha iyo cuntadu waa gabaabsi. Waxaan ku jirnaa xanuun iyo dhibaato weyn, gaar ahaan anagoo ka fog qoysaskayadii iyo dalkayagii,” ayuu raaciyay.

Muuqaalkan ayaa dhaliyay falcelin ballaaran oo ka dhex dhalatay shacabka dalka Marooko iyo baraha bulshada. Inkastoo dad badan ay muujiyeen dareen naxdin leh, iyagoo ugu baaqay dowladda Marooko inay degdeg u soo celiso muwaadiniinteeda, haddana waxaa jira dad kale oo su’aalo iska weydiinaya qaabkii ay raggan ku tageen Soomaaliya.

Dadka qaarkood ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in si cad loo sharxo duruufaha ku xeeran safarkooda iyo sababtii markii horeba loo xiray, iyadoo dadka qaar ay baraha bulshada ku qoreen: “Arrintani shaki ayay xambaarsan tahay. Maxay halkaas u tageen? Wax aan is-qabanayn ayaa jira.”

Ilaa hadda, maamulka Puntland iyo dowladda Marooko midna si rasmi ah ugama hadlin cabashadan cusub ee ka soo yeertay maxaabiistan ku xiran xabsiga Garowe.

The post Daawo: 6 qof oo Moroccan ah oo lagu haysto Garowe oo baahiyay muuqaal naxdin leh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this