Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan live kasoo galay BF oo sheegay inay dagaal u diyaar garoobeen + Video

Recommended Posts

Deeq A.   
625924911_1358777929613768_2993436072043

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo live kasoo dhex-galay xarunta Villa Hargeysa oo lagu waddo in goor dhow ay shir ku yeeshaan labada Gole ee Baarlamaanka ayaa ka hadlay xaaladda meesha ka jirta.

Xildhibaanka oo soo bandhigay muuqaalka guud ee xarunta oo ciidamo ay ku dhex-jiraan, isla markaana uu ka socdo dhaq-dhaqaaq culus ayaa sheegay in maanta ay u diyaar garoobeen dagaal, haddii lasii wado doodda Dastuurka.

“Saaka dagaal baan u diyaar garoobay wax jaakad la yiraahdo ma jiraan, lama waxeynayo” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare).

Isaga oo ka hadlayay ciidamada lasoo geliyay gudaha xarunta wuxuu yiri ”Haaheey saaka iyo hoolka Baarlamanka sidaasaa Alle u qadaray, askartii waxayba leeyihiin mobile-da idinka qaadaynaa. Ha beensanina hadaa aragtaan anoo askari mobile-ka iga qaatay saakay. Intii la yaqaanay waa ka gudubtay”.

Xildhibaan kale oo ka hadlay goobta ayaa isaguna nasiib darro ku tilmaamay xaaladda adag weli ka jirta Baarlamaanka, wuxuuna sheegay inay ka hortagi doono wax kasta oo sharci darro ah, gaar ahaan wax ka beddalka Dastuurka.

“Farriinteyda waxaa weeye Soomaaliyeed in Baarlamaanka la suurad xumeeyay laga dhigay meel qashin ah askar laga soo buuxiyay annaga oo rabna inaan si nabad ah u diidno, kana hor imaaneyno sharci darrada” ayuu yiri xildhibaan kale oo live-ka ka dhex-hadlay.

Guddoonka sare ee Baarlamaanka ayaa markii saddexaasd isku dayayo in la guda galo ansixinta ajendaha, si looga doodo Dastuurka, gaar ahaan cutubyadiisa 5-aad ilaa 9-aad ee haatan lasoo jeediyay in wax laga beddalo.

Arrintan ayaa keentay in xildhibaannadu ku kala qaybsamaan, waxaana kasoo horjeedo kuwa mucaaradka oo u badan xubnaha laga soo doorto Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale waxa ay arrintan sababtay in xalay guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow uu  soo saaro go’aan rasmi ah oo uu illaa 19 xildhibaan uga joojiyay kulamada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannadaas ayaa toos looga mamnuucay ka-qaybgalka 12 kulan oo ah fadhiyada wada-jirka ah ee labada gole, iyo fadhiyada kale Golaha Shacabka oo ka bilaabanaysa maanta oo Sabti ah oo taariikhdu tahay 07/02/2026, iyada oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen  qalalaasihii ka dhacay fadhigii u dambeeyay ee wadajirka ahaa.

Horay waxaa sidoo kale fadhiyada Baarlamaanka, 12 kulan looga joojiyay 18 xildhibaan iyo 2 Senator oo iyana ku lug lahaa qalalaase ka dhacay golaha.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana dib u dhacay wada-hadalladii la filayay inay u bilowdaan Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka oo qorshuhu ahaa in heshiis ay ku garaan labada dhinac.

The post Xildhibaan live kasoo galay BF oo sheegay inay dagaal u diyaar garoobeen + Video appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this