Deeq A. Posted 20 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta la kulmay Sii-hayaha Safiirka Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Justin Davis, isaga oo u xaqiijiyay in dowladdiisa ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya. Labad mas’uul ayaa si gaar ah kulankooda diiradda ugu saaray xoojinta xiriirka labo-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Inta uu socday kulanka waxaa sidoo kale lagu soo qaaday arrimaha amniga iyo la-dagaallanka argagixisada oo haatan maraya meel wanaagsan, iyada oo dowladda Soomaaliya ay kala kaashanayso saaxiibada caalamiga ah. Sidoo kale, Xamza ayaa warbixin guud ka siiyey Danjiraha horumarrada laga gaaray amniga dalka, dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah iyo dadaallada Xukuumadda ee lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyay cadowga, isaga oo xusay, kana mahadceliyay in taageerada Dowladda Maraykanka iyo doorka muhiim ah ee ay ka qaadatay tababbarka, qalabeynta iyo xirfadaynta ciidamada Qaranka. Waxaa kale oo uu Ra’iisul wasaaruhu is-dultaagay muhiimadda weyn ee dowladda u leedahay in xoogaha xagjirka ah laga saaro dhul beereedka si dalka u gaaro isku filnaansho dhanka maalgashiga iyo cunnada ah. Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa dhankiisa bogaadiyey guulaha is-daba-joogga ah ee ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka dadweynaha. Danjire Justin Davis ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dowladda Maraykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dhinacyada amniga, taakulaynta ciidamada iyo gargaarka bini’aadantinimo oo xilligan ay dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirto sidii gurmad loo gaarsiin lahaa bulshada ay saamaysay. Dhanka kale waxa uu adkeeyay in dowladda Maraykanka si buuxda u taageersantahay midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn, kulankan ayaa si qoto-dheer loogu wada-hadlay xaaladaha bini’aadannimo ee dalka ka taagan iyo sidii samofal loo gaarsiin lahaa malaayiinta qof ee ay abaaraha saameeyeen, iyada oo uu Ra’iisul Wasaare Xamsa, ka dhowaajiyay in Xukuumadda DanQaran, ay hirgalisay qorshe ballaaran oo isku tashi shacab iyo dowlad ah oo bulshada lagu garab-istaagayo, iyada oo saaxiibada caalamka oo uu Maraykanka ugu horeeyana looga baahanyahay in ay gacan ka gaystaan. The post Mareykanka oo hal arrin u xaqiijiyay R/W Xamza + Sawirro appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites