Deeq A. Posted 12 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd haddana ah Xildhibaan, Shariif Sheekh Axmed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si kulul uga hadlay dhacdadii maanta ee baarlamaanka, kadib markii ay mar kale fowdo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa , sidoo kalena laga celiyay xildhibaanno u badan kuwa mucaaradka, sababo la xiriira xiisadda ka dhalatay Dastuurka. Sheekh Shariif ayaa shaca ka qaaday in si cad loo burburinayayo hanaanka dowladnimada Soomaaliya, isla markaana lagu tumanayo sharciga dalka. “Waa masuuliyad darro waxa ka socda golahii BJF Soomaaliya oo ah muraayaddii dalka, mana ahan suuragal in horteenna lagu burburiyo hannaanka dowlad-dhiska dalkeenna oo meel fog laga keenay. Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay sida loola dhaqmay xildhibaannada iyo wariyeyaasha loo diiday inay galaan baarlamaanka. “Sida loola dhaqmay xildhibaanada iyo warbaahinta xorta ah waa calaamad kale oo habayaraatee aan raad ku lahayn dowlad wanaaga” ayuu sii raaciyay. Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd oo hadalkiisa sii wata ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu kusoo laabto xeyndaabka dowladnimada iyo sarreynta sharciga, isla markaana uu joojiyo waxa uu wado. “Arkaanta dowladnimada waxaa ugu muhiimsan isla-xisaabtan iyo daah-furnaan, waxaana sidoo kale wax laga xumaado ah hab-dhaqanka hoggaanka baarlamaanka oo ku milmay damaca madaxtooyada ee qar iska tuurka ah” ayuu mar kale yiri Shariifka. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo baarlamaanka uu haatan wajahayo xaalad adag oo ka dhalatay wax ka beddalka dastuurka, waxaana guddoonka sare uu sheegay in maanta laga dooday qodobo kamid ah cutubka 4-aad, gaar ahaan qodobiisa 50aad iyo 54aad, taas oo uga sii dareysa xiisadda taagan. The post Shariif oo war kasoo saaray arrinta ka taagan baarlamanka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites