Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in uu soo afjaray dagaalka Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   
1000130643.jpg

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in uu soo afjaray oo ka adkaaday ciidamadii ilaa shalay kula dagaalamayay xaafado ka mid ah magaalada Baydhabo.

Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Ibraahim Bilaal oo goordhaweyd shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa sheegay in dagaalkii la soo afjatay, islamarkaana magaalada Baydhabo hadda tahay mid degan oo amnigeedu sugan yahay.

Ciidamadii ilaa shalay kula dirirayay maagaalada Baydhabo oo qaarkood magaalada ka baxeen ayuu ku tilmaamay kuwa burcad ah oo aan wax siyaasad iyo mucaarad ah ku lug lahayn.

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa gudaha ugalay oo la wareegay guriga wasiirka xannaanada xoolaha Soomaaliya Xasan Eeley oo maanta inta badan uu dagaalku ka socday.

Dhanka kale mucaaradka maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa mas’uuliyadda dagaalka Baydhabo dusha ka saaray madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Dagaalka Baydhabo wuxuu sababay dhimasho, dhaawac, burbur hanti iyo barakac, kuwaas oo intooda badan gaaray dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this