Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo go’aanno ka soo saartay calafka xoolaha, galleyda iyo ceelasha biyaha

Recommended Posts

Deeq A.   
1000130740.jpg

Golaha wasiirrada Puntland oo maanta uu shir guddoomiyay madaxweyne Deni ayaa soo saaray go’aanno la xiriira abaarta ba’an ee jirta deegaannada Puntland.

Goluhu wuxuu go’aamiyay in cashuur la’aan laga dhigo calafka xoolaha iyo galleyda Puntland la soo geliyo inta lagu jiro xaaladda abaarta, iyada oo ganactasada lagu booriyay in ay dhimaan sicirka.

Sidoo kale golaha wasiirrada Puntland ayaa go’aamiyay in ceelasha biyaha laga dhigo lacag la’aan, iyado oo dowladdu kabayso ceelasha, islamarkaana waxaa loogu baaqay booyadaha in ay dhimaan qiimaha biyaha.

Puntland waxay mamnuucday kaamamka barakacyaasha ee ban-ka-oodka ah, waxaana la faray cidda ay quseyso in dadka gargaarka loogu geeyo goobaha ay degan yihiin.

Puntland waxay ugu baaqday jaaliyadaha dibadda, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada in ay ka qaybqaataan gurmadka dadka abaartu saamaysay.

1000130739-1015x1440.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this