Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in la siiyay diyaaradaha F-16

Recommended Posts

Deeq A.   
1000130790-1440x810.jpg

Dowladda federaalka Soomaaliya oo shalay sheegtay in dowladda Turkiga ay ciidamada xoogga dalka u keentay diyaaradaha dagaalka F-16, ayaa caawa beenisay warkaas.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo warkii hore sheegay ayaa hadana dafiray, isaga oo xusay in warkiisii hore khalad loo fahmay oo diyaaradahaas uu leeyahay Turkiga.

Diyaaradaha F-16 ayaa 3-dii bishan Febraayo lagu arkay hawada magaalada Muqdisho, kaas oo ka kacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Turkiga wuxuu magaalada Muqdisho ku leedahay saldhigga ugu weyn ee dalkiisa ka baxsan, sidoo kale wuxuu shidaal baaris ka wadaa xeebaha koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Turkiga uu dhawaan xarun Dayax -gacmeed ka hirgalin doono Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this