Deeq A. Posted 23 hours ago Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay baaq degdeg ah oo ku saabsan abaarta daran ee ka taagan dalka, taas oo si ba’an u saameeyay nolosha dadka iyo xoolaha, islamarkaana sababay khasaare nafeed iyo mid dhaqaale. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirrada Soomaaliya abaartu waxay saameysay in ka badan 74 degmo, halka 4.8 milyan oo qof ay wajahayaan cunto yari ba’an, kuwaas oo ay ku jiraan 200,000 qof oo xaaladdoodu tahay mid degdeg ah. Xukuumaddu waxay sheegtay in abaartu si gaar ah u saameysay nolosha miyiga, xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda, iyadoo dhibaato weyn ku noqotay helitaanka biyo nadiif ah, cunno, iyo adeegyada aasaasiga ah. Sidoo kale waxay tilmaamay in carruurta, haweenka, iyo dadka nugul ay yihiin kuwa ugu daran ee ay dhibaatada abaartu saameysay. Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, ganacsatada, qurbo-joogta, hay’adaha samafalka, iyo saaxiibada caalamiga ah in ay ka qaybqaataan gurmad degdeg ah oo lagu badbaadinayo dadka ay abaartu saameysay. Share this post Link to post Share on other sites