Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo guri looga dhisay deegaan ka tirsan Shabeellaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   
1000130924-1440x960.jpg

Deegaanka Ceeljaalle ee magaalada xeebeedka Marka, gobolka Shabeellaha Hoose waxaa laga hirgeliyay guri loo dhisay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ay maalgeliyeen taageerayaasha Nabad iyo Nolol.

Hoggaamiyeyaasha bulshada iyo mas’uuliyiinta deegaanka Ceeljaalle ayaa ka qaybgalay munaasabad xarigga looga jaray dhisama guriga oo lagu dhisay olole loogu magacdaray “Mahadsanid Madaxweyne”.

Dhismaha gurigan waxaa la bilaabay 21 Luulyo 2023, waxaana ku baxday lacag dhan $ 295,000, iyadoo wadarta guud ee kharashka loo uruuriyay uu gaarayay $300,000 USD, sida ay sheegeen shakhsiyaadkii howshan waday.

1000130935-1440x960.jpg

Madaxweyne hore Farmaajo oo ka hadlay dhisamaha gurigan ayaa sheegay in ololaha “Mahadsanid Madaxweyne” uu joojiyay markii uu socday dhowr todobaad, kaddib markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka codsaday arrintaas.

Farmaajo wuxuu u mahadceliyay dadkii ka qaybqaadatay ololaha lagu dhisay gurigan, isagoo xusay in uu tagi doono xiliyadda uu fasaxa yahay.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this