Deeq A. Posted 14 hours ago Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu jooga dalka Qatar, waxa uu kulamo la yeelan doonaa mas’uuliyiinta kala duwan ee dalkaasi, isaga oo kala hadli doono xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia. Safarka madaxweynaha ayaa la xusay inuu qayb ka yahay booqashooyin uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, kuwaas oo uu diiradda ku saarayo adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan, horumarinta danaha qaranka iyo taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites