Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   
1000130981-1440x959.jpg

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu jooga dalka Qatar, waxa uu kulamo la yeelan doonaa mas’uuliyiinta kala duwan ee dalkaasi, isaga oo kala hadli doono xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Safarka madaxweynaha ayaa la xusay inuu qayb ka yahay booqashooyin uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, kuwaas oo uu diiradda ku saarayo adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan, horumarinta danaha qaranka iyo taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this