Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   
1000131030-1440x1080.jpg

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa caawa kulan la qaatay mas’uuliyiinta dowladda ee gobolka Mudug.

Kulanka waxaa looga hadlay adkeynta amniga, dardargelinta adeegyada dowliga ah iyo dhameystirka mashaariicda horumarinta ee gobolka Mudug.

Kulanka waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland iyo taliyaha ciidamada booliska Gen. Muumin Cabdi Shire.

Madaxweyne Deni ayaa gobolkaas u tagay ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka Ugaaska Beelaha Tanade Daarood (Leelkase), Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed oo lagu wado in ay 8-da bishan ka dhacdo degmada Galdogob.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this