Deeq A. Posted 9 hours ago Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa caawa kulan la qaatay mas’uuliyiinta dowladda ee gobolka Mudug. Kulanka waxaa looga hadlay adkeynta amniga, dardargelinta adeegyada dowliga ah iyo dhameystirka mashaariicda horumarinta ee gobolka Mudug. Kulanka waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland iyo taliyaha ciidamada booliska Gen. Muumin Cabdi Shire. Madaxweyne Deni ayaa gobolkaas u tagay ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka Ugaaska Beelaha Tanade Daarood (Leelkase), Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed oo lagu wado in ay 8-da bishan ka dhacdo degmada Galdogob. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites