Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa qaaday xayiraadii saarneyd iibinta khamriga

Recommended Posts

Deeq A.   

de3bf0a0-033b-11f1-9972-d3f265c101c6.png

Sacuudi Carabiya ayaa si hoose ah u bilowday inay u oggolaato ajaanibta tijaarta aha ama maalqabeenada ah ee dalka ku nool inay iibsadaan khamri, taasoo ah isbeddel weyn kadib mamnuucid socotay 73 sano. Falanqeeyayaashaayaa filaya in fududeyntan mustaqbalka lagu ballaarin doono dalxiisayaasha, sida uu soo tebiyay wariyay Samir Hashmi oo jooga Riyadh.

Muddo tobannaan sano ah, Degmada Dibloomaasiyadda ee Riyadh ama goobaha ay deggan yihiin dublamaasiyiinta ayaa ka duwanaan jirtay inta kale ee caasimadda — waa aag casri ah oo ay ku yaallaan safaarado iyo guryo raaxo, lehna wadooyin qurux badan, dhul cagaaran, iyo meelo kafeega lagu cabo kaa oo soo jiita dhalinyarada Sacuudiga iyo ajaanibta labadaba.

Hadda, gudaha dhisme yar oo aan si gaar ah u muuqan oo ku yaalla xaafaddan dabaqadda sare, dukaan yar ayaa noqday meel qarsoon oo lagu tijaabinayo mid ka mid ah isbeddellada siyaasadeed ee ugu xasaasisan Sacuudi Carabiya — iibinta xaddidan ee khamriga oo loo oggolaaday ajaanibta hodanka ah ama maalqabeenada ee aan Muslimka ahayn.

Sacuudi Carabiya, oo hoy u ah labada meelood ee ugu barakaysan Islaamka, ayaa mamnuucday iibinta khamriga sannadkii 1952. Laakiin iyada oo qayb ka ah dadaal ballaaran oo lagu doonayo in dib loogu qaabeeyo muuqaalkiisa caalamiga ah, boqortooyadu waxay sanadihii u dambeeyay hirgelisay dib-u-habayn bulsho iyo dhaqaale oo ballaaran, iyadoo isu soo bandhigaysa bulsho dhexdhexaad ah oo u furan maalgashi.

Laakiin ballaarinta si aamusnaan ah loo sameeyay ee iibinta khamriga ee sharciyeysan ayaa u badan tahay inay tahay tijaabadii ugu dhiirranayd ee ilaa hadda.

Dukaanka khamriga ayaa markii ugu horreysay laga furay Riyadh bishii Janaayo 2024, balse gelitaankiisa markii hore waxaa loo xaddiday diblomaasiyiin aan Muslim ahayn. Sida ku cad xeerar cusub oo la soo saaray dhammaadkii 2025 iyada oo aan wax ogeysiis ah la bixin, ajaanibta hodanka ah ee aan Muslimka ahayn ee dalka deggen ayaa sidoo kale loo oggolaaday inay booqdaan dukaanka si ay u iibsadaan biir, khamri, iyo cabitaanno kale oo khamriga ka sameysan.

Si qof deggen u noqdo mid u qalma, waa inuu haystaa oggolaansho deggenaansho heer sare ah oo qiimaheedu yahay 100,000 Riyal Sacuudi ah oo u dhiganta $27,000 sanadkii; ama waa inuu caddeeyaa inuu mushahar ahaan u qaato ugu yaraan 50,000 Riyal bishii.

Shuruudaha u-qalmitaanka barnaamijka Deggenaanshaha Heerka Sare way kala duwan yihiin, waxaana badanaa heli kara madax ajaanib ah oo heer sare ah, maalgashadayaal, iyo xirfadlayaal leh xirfado gaar ah.

Labada xaaladoodba — ha ahaadeen kuwa haysta oggolaanshaha ama kuwa aan haysan — waxaa lagu qasbayaa inay kaarka deggenaanshahooda u muujiyaan ilaalada amniga ee albaabka, kaarkaasi oo xambaarsan xog ku saabsan diintooda iyo xaaladdooda deggenaansho.

Kuwa aan haysan oggolaanshaha ayaa sidoo kale laga rabaa inay keenaan shahaado mushahar ama warqad ka timid shirkadda ay u shaqeeyaan. Dalxiisayaasha ajaanibta ah looma oggola inay galaan dukaanka.

Dhowr qof oo macaamiil ah oo khamri ka soo iibsaday dukaanka ayaa BBC-da kula hadlay, iyagoo codsaday in magacyadooda la qariyo.

Taleefannada gacanta ayaa lagu ridaa bacaha aan la furi karin ka hor inta aan macaamiisha loo oggolaan inay gudaha galaan. Safafkuna mararka qaar waxay gaari karaan in ka badan hal saac, inkastoo dadka ay sheegaan in habka wax iibsigu waa sahlan tahay marka gudaha la galo.

05b8f530-033a-11f1-b5e2-dd58fc65f0f6.png

Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in qarinta ay dowladdu qarisay siyaasadda cusub ee khamriga ay tahay mid ula kac ah, taasoo weli su’aalo ka taagan ka dhigaysa baaxadda isbeddelka la filayo.

Sebastian Sons, oo ah cilmi-baare sare kana tirsan xarunta cilmi-baarista Jarmalka ee CARPO, kuna takhasusay Bariga Dhexe, ayaa tilmaamay in mas’uuliyiintu ay si taxaddar leh u socdaan. Wuxuu intaas ku daray: “Waxay diyaar u yihiin inay laba tallaabo hore u qaadaan, midna dib u noqdaan haddii loo baahdo, marka ay timaaddo arrimo xasaasi ah. Arrinta khamriguna sidaas oo kale ayay noqon kartaa.”

Khamrigu waa mamnuuc marka loo eego shareecada Islaamka, welina diinta iyo ku-dhaqankeeda ayaa si xooggan uga jira inta badan bulshada Sacuudiga.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo mamnuucidda jirta, khamri ayaa muddo tobannaan sano ah si qarsoodi ah loo cabbi jiray — laga bilaabo cabitaanno guryaha lagu sameeyo ilaa noocyo dibadda laga keeno — taasoo ka dhici jirtay xaflado gaar ah, xaafado xiran iyo guryo Sacuudi ah oo si wanaagsan loo qalabeeyay.

Inta badan khamriga dhalooyinka ku jira wuxuu suuqa aan rasmiga ahayn ku soo galaa iyada oo loo sii marayo safaaradaha, kuwaas oo muddo dheer loo oggolaa inay soo dhoofsadaan tiro aan xad lahayn iyaga oo ka faa’iideysanaya xuquuqda diblomaasiyadeed. Qaar kalena waxay u wareegaan suuqa madow, halkaas oo khamriga guryaha lagu sameeyo ee aan la xakameyn iyo khamriga si qarsoodi ah loo soo geliyo ee qaali ah ay weli ka ganacsadaan.

Isbeddelka Sacuudi Carabiya ee siyaasadda khamriga wuxuu ku soo beegmayaa cadaadis dhaqaale oo sii kordhaya oo dalka saaran.

Iyadoo suuqyada tamartu hoos u dhacayeen sanadihii u dambeeyay isla markaana dhaqaalaha guud uu ciriiri galay, boqortooyadu waxay raadineysaa inay soo jiidato dalxiisayaal badan oo ajaanib ah isla markaana ay qorto shaqaale ajaanib ah oo xirfad sare leh, si ay u taageeraan kobaca waaxyaha aan shidaalka ahayn sida sirdoonka macmalka ah (AI) iyo wax-soo-saarka warshadaha.

Riyadh ayaa sidoo kale hoos u dhigtay ama dib u eegis ku sameysay qaar ka mid ah mashaariicdeedii kaabeyaasha ee ugu hamiga badnaa, oo ay ku jiraan mashruuca magaalada NEOM iyo goobo dalxiis oo qiimahoodu gaarayo balaayiin doollar, sababo la xiriira xaddidaadaha miisaaniyadda.

Bilihii u dambeeyay, ajaanibta ayaa loo oggolaaday inay hanti guri yeeshaan isla markaana ay maalgashadaan suuqyada maaliyadeed ee Sacuudi Carabiya, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu soo jiidanayo raasamaal shisheeye.

Isla mar ahaantaas, boqortooyadu waxay malaayiin doollar ku bixinaysaa waaxyaha dalxiiska, madadaalada, iyo martigelinta ciyaaraha caalamiga ah, iyada oo ujeeddadu tahay in dhaqaalaha laga weeciyo ku-tiirsanaanta shidaalka. Xeebo raaxo leh ayaa laga dhisay xeebta Badda Cas, kuwaas oo inta badan lagu beegsanayo dalxiisayaasha reer Galbeedka.

Qeybta martigelinta ee Sacuudi Carabiya ayaa durba isu diyaarineysa suurtagalnimada in dalxiisayaashu ay awoodi doonaan inay iibsadaan khamriga mustaqbalka.
Xigashada Sawirka,Getty Images
Waaxda dalxiiska waa tiir muhiim ah oo ka mid ah barnaamijka Himilada Sacuudi Carabiya ee Vision 2030. Sannadkii 2024, boqortooyadu waxay soo jiidatay ku dhowaad 30 milyan oo dalxiisayaal caalami ah, iyadoo safarrada aan diinta ku salaysnayn ay ka ahaayeen in ka badan kala bar booqashooyinkaas, sida uu sheegay Wasiirka Dalxiiska Ahmed Al-Khatib. Sacuudi Carabiya waxay hiigsaneysaa inay soo jiidato 70 milyan oo dalxiisayaal caalami ah marka la gaaro 2030.

“Waxaan dooneynaa inaan labanlaabno kaalinta dalxiisku ku leeyahay wax-soo-saarka guud ee dalka marka la gaaro 2030,” ayuu wasiirku ku sheegay wareysi uu BBC siiyay bishii Nofeembar 2025.

Boqortooyadu waxay isu diyaarineysaa martigelinta munaasabado caalami ah oo waaweyn sida Bandhigga Adduunka ee 2030 iyo Koobka Adduunka ee FIFA 2034. Si kastaba ha ahaatee, mashaariic qaarkood ayaa dib u dhac ku yimid, sida Ciyaaraha Jiilaalka Aasiya ee la qorsheeyay in lagu qabto 2029 goobta barafka ee la qorsheeyay magaalada Neom, kuwaas oo dib loo dhigay muddo aan la cayimin sababo la xiriira dib u dhac ku yimid dhismaha.

Dadaalladan socda ee lagu yareynayo ku-tiirsanaanta shidaalka waxay imanayaan xilli qiimaha Shidaalka caalamka uu hadda u dhexeeyo $60 ilaa $66 halkii foosto, marka loo eego in ka badan $100 halkii foosto sannadkii 2022 kadib duullaankii Ruushka ee Ukraine.

Qiimayaasha hoose waxay muujinayaan dakhli yaraansho ku timaadda Sacuudi Carabiya. Inkastoo dadaallo badan oo lagu kala-duwanaanayo dhaqaalaha, dakhliga ka soo baxa saliidda ayaa weli ah laf-dhabarta dhaqaalaha Sacuudiga.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this