Sign in to follow this  
Deeq A.

Ka-hor qodista shidaalka Soomaaliya, Turkiga oo heshiis la gaaray shirkad Mareykan ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Turkiye-TPAO-Chevron--scaled.webp?fit=25

Istanbul (Caasimada Online)— Shirkadda qaranka ee batroolka Turkiga (TPAO) ayaa heshiis iskaashi oo dhinaca tamarta ah la saxiixatay shirkadda weyn ee laga leeyahay Mareykanka ee Chevron, tallaabadaas oo qayb ka ah dadaallada xukuumadda Ankara ay ku doonayso inay ku soo saarto kheyraadka dabiiciga ah, laga billaabo Badda Madow illaa xeebaha Geeska Afrika.

Wasiirka Tamarta ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa shaaciyay heshiiskan is-faham (MoU) oo lagu kala saxiixday magaalada Istanbul, kaas oo dhabbaha u xaaraya in labada dhinac ay iska kaashadaan mashaariicda sahan-u-sameynta iyo soo-saarista shidaalka, ha noqoto gudaha Turkiga ama masraxyada caalamiga ah.

“Inagoo ka duulayna shaqadeena ka socota Gabar iyo Badda Madow, islamarkaana kaashanayna dadaalladeena caalamiga ah, waxaan hiigsaneynaa in TPAO aan u beddelno shirkad caalami ah,” ayuu yiri Wasiir Bayraktar oo qoraal soo dhigay barta X (horey u ahaan jirtay Twitter).

Wuxuu intaas ku daray in heshiiskan uu qeyb ka qaadan doono yoolka fog ee shirkadda oo ah in la gaaro awood wax-soo-saar oo u dhiganta hal milyan oo fuusto maalintii.

Heshiiskan ayaa noqonaya kii labaad oo ay Turkigu la galaan shirkadaha waaweyn ee tamarta Mareykanka sanadkan gudihiisa, iyadoo horey heshiis kan la mid ah loola galay shirkadda ExxonMobil.

Tani waxay muujineysaa sida Turkiga—oo ku tiirsan tamar dibadda laga keeno—uu ugu dadaalayo inuu helo maal-gashi iyo farsamooyin casri ah oo Reer Galbeed ah si uu uga faa’iideysto kheyraadka ku jira badaha moolka dheer.

Hawlgalka qodista shidaalka Soomaaliya

Heshiiska Chevron ayaa kusoo beegmaya xilli Turkigu uu u diyaar-garoobayo hawlgal culus oo dhinaca shidaal qodista ah oo laga fulinayo xeebaha Soomaaliya, oo ah dal xulufo dhow la ah Ankara, halkaasna ay ku leeyihiin saldhigooda milateri ee ugu weyn dibadda.

Wasiir Bayraktar ayaa xaqiijiyay in markabka casriga ah ee qodista, oo lagu magacaabo Çağrı Bey, kaas oo dhowaan kusoo biiray raxanta maraakiibta Turkiga, loo diri doono biyaha Soomaaliya si uu u hoggaamiyo hawlgalkan. Markabkan ayaa ah nooca jiilka toddobaad oo leh awood farsamo oo sarreysa.

Hawlgalkan ayaa daba socda heshiis taariikhi ah oo dhex maray Ankara iyo Muqdisho horraantii sanadkii 2024, kaas oo shirkadda TPAO siinaya xuquuq gaar ah oo ay shidaal uga baari karto, kuna soo saari karto saddex xirmo (blocks) oo ku yaalla badda Soomaaliya.

Sida qorshuhu yahay, hawlaha qodista ayaa bilaaban doona horraanta sanadkan, iyadoo la beegsanayo keydadka ku jira badda gunteeda hoose, kuwaas oo horey loo aqoonsaday kadib sahan dhameystiran oo uu sameeyay markabka cilmi-baarista ee Oruç Reis sanadkii 2025.

Qiyaasaha hordhaca ah ayaa muujinaya in Soomaaliya ay yeelan karto keyd gaaraya ugu yaraan 30 bilyan oo fuusto oo shidaal iyo gaas ah, in kastoo dalku uu wajahayo caqabado dhanka amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ah.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa “madax-bannaanida tamarta” ka dhigay tiir-dhexaadka siyaasaddiisa dhaqaale, maadaama Turkigu uu sanadkii hore ku bixiyay qiyaastii $70 bilyan soo iibsiga tamarta, taas oo culays weyn ku haysa miisaaniyadda dalkaas.

Iskaashiga Turkigu la samaynayo shirkadaha Mareykanka ee Chevron iyo ExxonMobil ayaa astaan u ah in Ankara ay doonayso inay ka faa’iideysato khibradda warshadaha Mareykanka si loo dardargeliyo mashaariicdan hamiga leh, in kasta oo mararka qaar ay jiraan mad-madow diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal marka laga hadlayo khilaafaadka gobolka.

The post Ka-hor qodista shidaalka Soomaaliya, Turkiga oo heshiis la gaaray shirkad Mareykan ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this