Sign in to follow this  
Deeq A.

Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday xogta carruur laga dhoofiyey Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
The-Epstein-Files-scaled.webp?fit=2560%2

Washington (Caasimada Online) — Dokumiintiyo sir ah oo ay shaacisay Waaxda Caddaaladda Maraykanka ayaa daboolka ka qaaday in shabakaddii uu hoggaaminayay maalqabeenkii fadeexaduhu hareeyeen ee Jeffrey Epstein ay xididdo ku lahayd Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya, halkaas oo loo adeegsan jiray goobo laga qorto carruurta iyo marinno laga dhoofiyo dhibbanayaasha.

Warbixintan oo ka kooban in ka badan 3.5 milyan oo bog, isla markaana soo bixitaankeeda uu sababay sharciga daah-furnaanta ee Epstein Files Transparency Act, ayaa tilmaamaysa in Epstein uu adeegsan jiray hay’ado samafal (NGOs), wakaaladaha xayaysiinta dharka iyo hawlgallo bani’aannimo si uu ugu qariyo falalka ka ganacsiga galmada ee carruurta iyo dadka nugul.

Sida ku cad dukumiintiyada la helay, shabakadda Epstein waxay calaamadeysay Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaa gobollada Somaliland, inay yihiin goobo laga fuliyo falalka la xiriira carruurta, halka dalalka Tansaaniya iyo Senegal ay ahaayeen marinno muhiim u ah isku-gudbinta.

Xogta ayaa muujinaysa in magaalada xeebeedka Mombasa ay ahayd xarun laga dhoofiyo carruurta laga keeno Soomaaliya, Itoobiya, Koonfurta Suudaan iyo Suudaan.

Weli dokumentiyada lagama helin faah-faahinno dheeraad ah oo ku saabsan carruurta la sheegay in laga dhoofiyey Soomaaliya, sida magacyadooda, halka la geeyey iyo halka ay ku dambeeyeen.

Dukumiintiyada ayaa si gaar ah u faahfaahiyay qorsheyaal la xiriira deegaanada Somaliland. Baarayaasha ayaa xusay in Epstein uu waday qorshe uu istuudiyo filimada lagu sameeyo (film studio) uga hirgelinayo Somaliland.

Tallaabadaas ayaa la sheegay in ujeeddadeedu ahayd in lagu soo jiito dhallinyarada jilitaanka xiisaysa, si loogu gacan geliyo shabakadda ka ganacsata galmada ee uu maamulayay Epstein iyo xulafadiisa. Sidoo kale, waxaa dukumiintiyada ku jira xogo muujinaya inuu Epstein daneynayay inuu banki ganacsi ka furto gudaha Soomaaliya.

Dukumiintiyada la soo bandhigay waxaa ka mid ah silsilado iimaylo ah oo u dhexeeyay Epstein iyo xulafadiisa laga soo billaabo sanadkii 2009-kii.

Mid ka mid ah farriimahaas oo ku saabsanaa safar Kenya lagu tegayo, ayaa qof la shaqeynayay Epstein wuxuu u qoray: “Inaan soo kaxeyno ilmo yar… ama labo… wiilal ama gabdho,” isagoo hadalkaas ku tilmaamay “kaftan.”

Farriin kale oo dhacday bishii December 2010, ayuu Epstein weydiiyay haweeney lagu magacaabo Irina: “Miyay jirtaa cid cusub caawa?” markii ay ku jawaabtay maya, wuxuu Epstein ku gaabsaday: “Kenya.”

Sidoo kale, Peggy Siegal oo ahayd xayeysiiye caan ah oo xiriir dhow la lahayd Epstein, ayaa iimayl ay dirtay 2009 ku tiri: “Haddii aysan na cunin dagaalyahannada Masaay-da, waxaa na cuni doona burcad-badeedda Soomaaliya,” iyadoo safarkaas ku tilmaamtay “waaya-aragnimo nololeed oo kale.”

Jeffrey Epstein ayaa xabsiga isku dhex dilay bishii July 2019 kadib markii lagu xiray eedeymo la xiriira ka ganacsiga galmada, halka saaxiibtiis Ghislaine Maxwell lagu xukumay dambiyo la mid ah sanadkii 2021.

Warkani wuxuu iftiiminayaa heerka ay gaarsiisnayd shabakaddan caalamiga ah iyo sida magaca samafalka loogu gabbaday si looga faa’iideysto carruurta Geeska Afrika. 

The post Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday xogta carruur laga dhoofiyey Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this