Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo u baxaya safar dibadda + Dalka iyo qorshaha

Recommended Posts

Deeq A.   
xasan-safar.webp?fit=1014%2C1024&ssl=1

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda booqasho rasmi ah ku tago magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Madaxweynaha ayaa halkaas kulamo kula yeelan doona hoggaamiyeyaasha dalalka Masar iyo Boqortooyada Sacuudiga, si loo xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa dalalka gobolka.

Safarkan madaxweynaha ayaa imanaya kadib kulammo horudhac ah oo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku yeeshay magaalada Qaahira.

Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo dhowrista madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa door muhiim ah ku leh wada-hadalladan, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay xasilinta Geeska Afrika.
Sidoo kale, wada-hadalladu waxay la xiriiraan sugidda amniga marinka istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed.

Isku soo dhawaanshaha saddexda dal ayaa la filayaa inuu dhabaha u xaaro heshiisyo dhinaca difaaca iyo amniga ah oo kor u qaadaya awoodda ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

Arrimahan ayaa imanaya xilli dhammaadkii bishii December ee la soo dhaafay ay Israa’iil ku dhawaaqday inay aqoonsatay maamulka Somaliland, taas oo si adag uga horyimaadeen inta badan dalalka caalamka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya, iyadoo wacad ku martay inay jawaab ka bixin doonto iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Sidoo kale waxay si adag u diideen tallaabo kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo Falastiiniyiinta, taasoo ka tarjumaysa dareenka guud ee gobolka ee ku aaddan qorshayaal bilihii lasoo dhaafay la hadal-hayay oo ku saabsan in shacabka Gaza loo raro dhul ka baxsan dalkooda.

The post Xasan Sheekh oo u baxaya safar dibadda + Dalka iyo qorshaha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this