Deeq A. Posted 6 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Jimcaha saakay ah hoggaamiyay olole ballaaran oo nadaafadeed oo laga fuliyay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Ololahan nadaafadeed ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, iyo dhallinyaro si mutadawacnimo ah uga shaqeeya nadaafadda caasimadda. Guddoomiye Muungaab ayaa oo hadal jeediyay ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sii xoojinta ololayaasha nadaafadda, ilaalinta deegaanka iyo qurxinta magaalada, si Muqdisho u noqoto caasimad ku dayasho mudan. Danjiraha Turkiga ayaa dhankiisa sheegay in dowladdiisa ay sii xoojinayso taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta caasimadda Muqdisho. Waxa uuna shaaca ka qaaday qorshe lagu mataanaynayo magaalada xadaariga ah ee Konya ee dalka Turkiga iyo Muqdisho, si labada magaalo ay u yeeshaan iskaashi dhinacyada horumarinta magaalooyinka, dhaqanka, iyo is-weydaarsiga khibradaha maamulka. Sidoo kale, Danjiraha ayaa bogaadiyay dadaalka muuqda ee guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir uu ku bixinayo hagaajinta nadaafadda iyo bilicda caasimadda, isagoo xusay in tallaabooyinkan ay kor u qaadi doonaan sumcadda Muqdisho iyo tayada nolosha shacabka. Dhankiisa, Guddoomiye Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga garab-istaagga joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in mataanaynta Muqdisho iyo Konya ay fure u noqon doonto iskaashi cusub iyo barnaamijyo horumarineed oo ay caasimaddu ka faa’iidaysan doonto. The post Maxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho? + Sawirro appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites