Deeq A. Posted yesterday at 08:36 AM Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay labo agaasime guud oo ka mid noqonaya wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare. Ra’iisal Wasaare Xamse waxa uu agaasimaha guud ee adeegyada wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare u magacaabay Maxamed Isaaq Cabdinuur, halka uu agaasimaha guud ee horumarinta waxbarashada farsamada gacanta iyo xirfadaha wasaaradda waxbarashada u magacaabay Xabiibo Cali Maxamed. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre waxa uu agaasimeyaasha cusub ee Maxamed iyo Xabiibo kula dardaarmay hufnaan iyo xil-gudasho. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites