Deeq A. Posted yesterday at 09:37 AM Guddiga madaxabannaan ee xuquuqul insaanka qaranka Soomaaliya oo ka kooban sagaal xubnood ayaa maanta guddoomiye u doortay Dr. Maryan Qaasim Axmed, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho. Dr. Maryan Qaasim waxay doorashada kaga guuleysatay Dr. Cumar Cabdulle Calasow oo ay waday dowladda Soomaaliya, halka afhayeenkii hore ee xukuumadda federaalka Farxaan Jimcaale uu tanaasulay ka hor inta aan doorashdu bilaaban. Dr. Maryan Qaasim waa aqoonyahan shaqooyin dawladeed iyo kuwo hay’ado caalami ah soo qabatay, waana xeel dheere arimaha bini’aadanimada iyo xuquuqul insaanka ah, waxaana doorashadeeda timid xilli dalka uu wajahayo caqabado la xiriira ilaalinta xuquuqda aadanaha. Xilalka dowladeed ee ay ka soo qabatay dowladihii kala dambeeyay ee federaalka waxaa ka mid ah wasiiradda caafimaadka, waxbarashadda iyo gargaarka & maareynta musiibooyinka. Xubnaha guddiga madaxabannaan ee xuquuqal insaanka Soomaaliya ayaa bishii May 2025 ku soo baxay imtixaan ay qaaday wasaaradda qoyska iyo horumarinta xuquuqal insaanka, kaddibna waxaa ansixiyay golaha wasiirrada iyo baarlamaanka federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites