Deeq A. Posted 5 hours ago Dagaal ayaa ilaa shalay ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaas oo u dhexeeya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad gacan ka helay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Shalay barqadii waxaaa xaafadda Suuqa-xoolaha ee magaalada Baydhabo ka bilowday dagaal, kaas oo markii hore ku bilowday dhul la dhisayay oo uu mashruuciisa bixiyay Bangiga Adduunka, dagaalkaas oo markii dambe ku faafay qaybo ka mid ah magaalada. Dagaalka ayaa markii hore u dhexeeyay maleeshiyo beeleedka ka amar qaata nin lagu magacaabo Cadow Nuunow oo ka ganacsada hubka iyo ciidamada booliska Koonfur Galbeed, balse waxaa markii dambe ku soo biiray ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo gacan siinaya maleeshiyaadka, kuwaas oo uu hoggaamiyo sarkaal lagu magaaco Cabdiraxmaan Nishow. Dagaalka waxaa ku dhintay inta la hubo 7 qof, sidoo kale waxaa ku dhawacmay dad 15 qof gaaraya oo ku jiraan wasiirka maaliyadda maaulka Koonfur Galbeed Axmed Maxamuud Xuseen iyo dad shacab ah oo ay haleeshay rasaasta iyo madaafiicda ay labada dhinac adeegsanayaan. Maamulka Koonfur Galbeed oo xalay ka hadlay dagaalka wuxuu sheegay in ciidanka amniga sameeyeen howlgal lagula dagaalamay maleeshiyaad dhibaato ku hayay bushada ku nool magaalada Baydhabo. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites