Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga iyo Sacuudiga oo si Wadajir ah uga soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil ee Soomaalilaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalka Turkiga iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa soosaaray bayaan wadajir ah ka dib booqasho rasmi ah oo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu ku tagay Riyaad, taasoo oo ujeedkeeda lagu sheegay xoojinta iskaashiga difaaca, isla markaana mawqif midaysan looga qaadanayo arrimaha ku saabsan khilaafaadka ka jira Bariga Dhexe iyo Afrika.

Labada dal ayaa isla gartay in la dhaqangaliyo heshiisyadii iskaashiga difaaca ee hore u jiray iyo in la xoojiyo xiriirka milatari iyada oo loo marayo madallo badan iyo habab kala duwan.

Bayaanka wadajirka ah ayaa sidoo kale xoogga lagu saaray iskaashiga ladagaallanka argaggixisada, kahortagga maalgelinta argaggixisada, iyo khataraha amniga internedka.

Labada dal waxay canbaareeyeen waxa ay ku tilmaameen in Israa’iil ay carqaladeynayso gargaarka bani’aadannimo ee Gaaza, iyaga oo ku baaqay in la furo dhammaan xuduudaha gudaha Gaaza.

Sidoo kale, waxay soo dhoweeyeen kaqeybgalka Golaha Nabadda ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, iyaga oo taageeray wejiga labaad ee qorshaha nabadeed ee Gaaza.

Si wadajir ah, Turkiga iyo Sacuudiga waxay diideen aqoonsiga ay Israa’iil sheegtay inay siisay maamulka Soomaaliland, iyaga oo mar kale xaqiijiyay taageeradooda midnimada iyo xuduudaha dhuleed ee Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu xusay in aqoonsiga Israa’iil ee Soomaalilaan uu yahay tallaabo goonigoosad ah oo khaldan marka la eego sharciga caalamiga ah, isla markaasna kor u qaadaysa xiisadaha gobolka.

Labada dal waxay sidoo kale taageereen dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen oo uu matalo Golaha Hoggaaminga dalkaasi, iyaga oo diiday isku day kasta oo lagu kala qaybinayo dalka Yemen ama lagu taageerayo kooxo gudaha ah oo khatar ku ah amniga iyo xasilloonida.

Aqoonsiga Israa’iil ee Soomaalilaan oo markii horaba ahaa qar-iska-tuur siyaasadeed ayaa haatan u muuqda mid uu gabbalkiisu sii dhacayo, ayadoo Israa’iil qudgeedu wejigabax caalami ah kala kulantay tallaabadaas.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this