Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada Dr. Maryan Qaasin iyo Muranka Hareereeyay Guddiga Xuquuqul Insaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Doorashada Dr. Maryan Qaasin iyo Muranka Hareereeyay Guddiga Xuquuqul Insaanka

Dr. Maryan Qaasin Axmed ee loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliya waxay timid xilli xasaasi ah oo uu jiro muran baahsan oo ku xeeran dhismaha guddigan.

Inkastoo Dr. Maryan ay tahay aqoonyahad magac iyo miisaan ku leh dalka, haddana hannaankii loo maray sooxulista xubnaha Guddiga ayaa dhaliyay walaac xooggan iyo kalaqeybsanaan siyaasadeed.

Maamulgoboleedyada Buntilaan iyo Jubbalaan ayaa si cad u qaaddacay sharciyadda Guddigan, iyagoo ku dooday inaan laga talagelin dhismihiisa iyo hannaanka federaalka, taas oo wiiqaysa kalsoonida lagu qabi karo in Guddigu si dhexdhexaad ah uga hawlgalo dhammaan gobollada dalka.

​Waxa kale oo jira tuhun weyn oo laga muujiyay hufnaanta imtixaankii iyo xulashadii ay mareen xubnaha guddiga.

Qaar ka mid ah dadkii u tartamay xilalkan ayaa cabasho ka muujiyay in liiskii dadkii imtixaanka ku guulaystay laga saaray xubno mudnaan lahaa, laguna beddelay shakhsiyaad kale oo si gaar ah loo doortay.

Tallaabadan ayaa keentay in dad badan ay su’aal ka keenaan madaxbannaanida Guddigan, maadaama loogu talagalay inuu noqdo hay’ad u taagan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo laxisaabtanka hay’adaha dawladda.

Caqabadda ugu weyn ee hortaagan Dr. Maryan iyo kooxdeeda ayaa ah sidii ay ku heli lahaayeen aqoonsiga maamullada diiddan iyo sidii ay u bixin lahaayeen jawaabo lagu qanci karo oo ku saabsan eedaymaha la xiriira eexda iyo hufnaan-la’aanta xulashada guddiga.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this