Deeq A. Posted 5 hours ago Hordhac Maqaalkan wuxuu si kooban isu dultaagayaa waxay tahay caqiiddada “Monroe” iyo sababta loo sameeyay. Dhanka kale, wuxuu tilmaamayaa cidda samaysay iyo Maraykanku waxa uu uga golleeyahay caqiiddadan ay sannado badan ku soo caanamaalaysay siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka. Janaayo oo saddex maraysa ayay ahayd markii uu Maraykanku soo qabtay Madaxweynihii dalka Venazuela Maduro, arrintan waxay u laabanaysaa mabda’a siyaasadeed ee Monroe lagu magacaabo. Si aan u fahanno waxa Maraykanka ku kallifay in uu tallaabadaan qaado waxaan u baahannahay inaan dib ugu laabanno taariikhda qarnigii 19aad, gaar ahaan sannadkii 1823dii bisha Diseenbar. Taariikhda iyo Asalka Caqiiddada Monroe Madaxweyne Monroe wuxuu soo bandhigay, wax markii dambe loo bixiyay Mabaadi’da ama caqiiddada Monroe (Monroe Doctrine) khudbaddiisii sannadlaha ahayd ee caadiga ahayd ee uu u jeediyay Koongareeska 2dii Diseenbar 1823dii. Khudbaddaas, Monroe wuxuu uga digay quwadaha Yurub inay joojiyaan gumaysiga cusub ama faragelinta dheeraadka ah ee ay ku samaynayaan Qaaradda Galbeed. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in gobolkaasi uusan mar danbe u furnayn hammiga dunidii hore (Old World), isla markaasna loo tixgelin doono aag dan gaar ah u ah Maraykanka. Tan iyo markaas, siyaasaddan waxaa adeegsaday maamullo kala duwan, si ay ugu sababeeyaan faragelinta ay ku sameeyeen Laatiin Ameerika. Markii ugu horraysay waxaa siyaasaddaan si dhab ah a loo tijaabiyay sannadkii 1865, markaas oo Dawladda Maraykanku ka caawisay Madaxweynihii Mexico ee xilligaas, Benito Juárez, inuu afgbiyo Boqor Maximilian, kaas oo ay Dawladdii Faransiisku xilka boqortinimo ee dalka Mexico u dhiibtay. Dabayaaqadii qarnigii 19aad, Maraykanku wuxuu ku biiray halgankii Kuubba ee xornimadoonka ahaa ee ka dhanka ahaa ee looga soo horjeeday quwaddii Isbaanishka, wuxuuna dagaal la galay awoodihii Yurub sannadkii 1898dii. Dagaalkaas wuxuu si dhab ah u soo afjaray joogitaankii gumaystaha Isbaanishka ee gobolka. Dhanka kale, Maraykanku wuxuu si rasmi ah ula wareegay gacan-ku-haynta Puerto Rico, Guam iyo Filibiin, wuxuuna saamayn ballaaran ka helay Kuubba oo ahayd, dal ay hoggaamiyayaasha Maraykanku muddo dheer doonayeen inay ka iibsadaan Isbaanishka—iyadoo loo marayo Heshiiska Platt, taas oo lagu micneeyay ilaalinta madaxbannaanida Kuubba. Madaxweyne Theodore Roosevelt, muddo aan dheerayn ka dib, wuxuu soo bandhigay waxa markii danbe loogu yeeri doono Roosevelt Corollary, oo ah kaabis uu ku samaynayo caqiiddada Monroe ka dib markii deynbixiyayaasha reer Yurub ee dhawr waddan oo Laatiin Ameerika ah, ay ku hanjabeen inay faragelin hubaysan u adeegsan doonaan si u soo urursadan deymaha ay ku leeyihiin dalalkaas. Roosevelt wuxuu arrintaas kaga jawaabay isagoo ku adkaystay xaqa uu Maraykanku u leeyahay inuu isticmaalo “awoodda boliiska caalamiga ah” si uu u xakameeyo waxa uu u arkay inay tahay “xadgudub joogto ah” sida uu ku sheegay farriintiisii 1904tii ee uu u diray Kongoreeska Maraykanka. Inkastoo ujeeddadii hore ee Mabaadi’da Monroe ay ahayd in quwadaha Yurub laga ilaaliyo Qaaradda Galbeed, haddana Roosevelt oo isaguba ka dagaallamay Kuubba dagaalkii ka dhanka ahaa Isbaanishka lala galay sannadkii 1898dii, ayaa aragtidan wax ku daray si uu u buuxiyo xaquuqda la sheeganayo ee ah inuu Maraykanka ciidamo u diro dalalka la isku yiraahdo Laatiin Ameerika. Noocan la cusboonaysiiyay ee mabaadi’ida Monroe ayaa door weyn ka qaadatay dhabbaha faragalinta militari ee soo noqnoqotay ee Maraykanku ku sameeyay Laatiin Ameerika. In ka badan toban sano gudahood markii Roosevelt uu ku dhawaaqay in Maraykan faragalin ciidan ku sameyn karo waddamada laatiinka, ayaa waxaa ciidamada Maraykanka loo diray Jamhuuriyadda Dominican sannadihii 1903 iyo 1904, Nicaragua sannadkii 1911 iyo Haiti oo sannadkii 1915 loo diray ciidamo. Ka dib Dagaalladii Adduunka, madaxweynayaal kale waxay sheegteen oo ay soo bandhigeen caqiidooyinkooda u gaarka ah oo muujinaya, mawqifka Maraykanka ee ku aaddan faragelinta badan ee laga geysanayo adduunka oo dhan iyadoo ujeedadu tahay, sida uu sheegay Madaxweyne Harry Truman, taageeridda “dadka xorta ah ee iska caabbinaya isku dayga lagu doonayo in la gumeysto” xilli uu billowday Dagaalkii Qaboobaa (Cold War). Aragtidaas hagaysa siyaasadda arrimaha dibadda mararka qaar waxay ahayd cudurdaar muddo dheer soo jirtay oo ku saabsan ficil ka dhaca waddamada Laatiinka, iyadoo la raacayo Mabda’a Monroe, sida dadaallada Maraykanka ee lagu ridayo dawladdii shuuciga ahayd ee Fidel Castro ee Kuubba iyo doorkii ay ku lahayd afgenbigii lagu riday Madaxweynihii Guatemala Jacobo Árbenz sannadkii 1954 iyo Madaxweynihii Chile Salvador Allende sannadkii 1973, kuwaas oo labaduba, hoggaamiyayaasha Maraykanka ay ku shaabbadeeyeen inay yihiin khataro shuuci ah oo ka dillaacay gobolka. Eduardo Gamarra, oo ah bare ku takhasusay siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah, kana tirsan Jaamacadda Florida, ayaa u sheegay idaacadda NPR in istaraatiijiyadda Maraykanka ee Latin Ameerika ay ku dhisnayd xannibaad istaraatiiji ah, taas oo looga gol lahaa in laga hortago ku lug lahaanshaha quwadaha aan Maraykanka ahayn ee arrimaha gobolka. “Qarnigii 19aad, quwadahaas waxa loola jeeday reer Yurub, halka qarnigii 20aadna, gaar ahaan Dagaalkii Labaad ee Adduunka ka dib, quwadaha aan Ameerika ahayn loogala jeeday Midowgii Soofiyeed” ayuu yiri ustaad Gamarra. Ruuxdii iyo mabda’ii Monroe ayaa, sidoo kale, ka muuqatay tallaabooyinka uu Maraykanku qaaday intii lagu jiray qalalaasihii ay abuureen gantaalladii Kuubba ee 1962, markaas oo Madaxweyne John F. Kennedy amray in Kuubba lagu soo rogo go’doomin dhanka badda iyo mid cirka ah si looga hortago Midowgii Soofiyeed inuu gantaallo kale keeno jasiiradda. Kennedy wuxuu u arkay qalalaasahan, oo ka dhashay markii Maraykanku ogaaday in Midowgii Soofiyeed si qarsoodi ah uga dhisayay Kuubba saldhigyo laga rido gantaallo; mid ku xadgudbaya xuduudihii taariikhiga ahaa ee Western Hemisphere oo muddo dheer la aqoonsanaa. Si kastaba ha ahaatee, Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee Maamulka Obama John Kerry, ayaa ku dhawaaqay in waqtigii Monroe Doctrine uu dhammaaday. “Kalsoonida iyo xiriirka aan doonayno, isla markaasna aan si adag ugu hawlgalnay dhisiddiisa, ma aha mid ku salaysan in Maraykanku go’aamiyo goorta iyo sida uu u faragelinayo arrimaha dalalka kale ee Ameerika” ayuu yiri John Kerry sannadkii 2013. “Waa xiriir ku dhisan in dhammaan dalalkeenna ay isu arkaan kuwa siman, masuuliyad wadaag ah leh, iska kaashata dhinaca amniga ah, isla markaasna aan loo hoggaansamin mabaadi’dii Monroe (doctrine) ee aan go’aannada si wadajir ah u gaarno, si aan u horumarinno qiyamka iyo danaha aan wadaagno” ayuu yiri mudane Kerry. Maamulidda Dalalka Laatiin Ameerika Markii ugu horreysay ee lagu soo bandhigay khudbaddii caadiga ahayd ee loo jeediyay Koongareeska sannadkii 1823, mabaadi’da Monroe ujeedka loo hindisay wuxuu ahaa si looga jawaabo welwelkii ugu weynaa ee xilligaas jiray, hasayeeshee si dhakhso ah ayay u noqotay hal-ku-dheg siyaasadeed oo Maraykanka u isticmaalo gobolka Ameerika, waxaana loo adeegsaday mabda’ siyaasadeed iyo mid sharci, iyadoo loo daliishtay faragelino badan oo ka dhacay Laatiin Ameerika. Markii ugu horraysay ee si dhab ah mabaadi’da loo adeegsado waxay ahayd sannadkii 1865, markaas oo Madaxweyne Andrew Johnson uu saaray cadaadis diblomaasiyadeed iyo mid militari oo culus si uu u joojiyo dadaalladii Boqorka Faransiiska, Napoleon III uu ku doonayay in uu ka dhiso boqortooyo asiga dabadhilif u ah oo matalaysa Mexico, oo uu hogaaminayo Archduke Maximilian oo u dhashay Austria. Dhacdadan si guul leh ayay u soo dhammaatay maadaamaa ciidamada Faransiiska ay ka baxsadeen dalka, halka boqorkii Maximilian la soo qabtay oo lagu fuliyay rasaas dil. Arrintan Maraykanka waxay uga dhigneyd tallaabo guul ah halka Faransiiskana ay guuldarro iyo wajigabaxnimo ay ka raacday. Sannadkii 1898dii, dagaalkii u dhaxeeyay Isbaanishka iyo Maraykanka ayaa calaamad u ahaa soo ifbixidda dhabta ah ee awoodda Maraykan, oo waxay ka dhigtay quwad caalami ah maadaamaa uu soo afjaray gumeystihii Isbaanishka ahaa ee adduunka ka jiray. Dagaalkaas Isbaasnishka iyo Maraykanka u dhaxeeyay ee dhacay xilligii uu talada hayay Madaxweyne William McKinley, wuxuu beddelay siyaasaddii arrimaha dibadda Maraykanka ee kaliya ka soo horjeedi jirtay saamaynta quwadaha Yurub, wuxuuna u rogay siyaasad si firfircoon xukunka gobolka gacanta ku haysa oo xitaa wuxuu gaaray Maraykanku inuu damco dhulalka ka baxsan laatiin Ameerika oo ay ka mid yihiin: Puerto Rico, Guam, iyo Filibiin. Sannado ka dib deynbixiyayaashii Yurub, dhawr dal oo Laatiin Ameerika ah ayay ugu hanjabeen inay faragelin ciidan ku sameeyaan si ay u urursadaan deymahooda. Madaxweyne Theodore Roosevelt si dhakhso ah ayuu u shaaciyay xaqa Maraykanka uu u leeyahay inuu adeegsado waxa uu ugu yeeray “awood booliis caalami ah” si loo xakameeyo wuxuu markaas ku tilmaamay inay yihiin “xadgudub joogto ah”, taas oo lagu caddeeyay waxa hadda loo yaqaan Roosevelt Corollary ee ku lifaaqan Mabda’a Monroe. Si loo muujiyo in Washington ay ka *****say hanjabaaddeeda, ayaa ciidamo ka tirsan ciidamada badda ee Maraykanka ayaa loo diray Santo Domingo sannadkii 1904, Nicaragua 1911, iyo Haiti 1915. Dalalka kale ee Latin America ayaa ficilladan u arkay kuwo shaki iyo walaac ku jiro, oo xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo deriskiisa koonfureed wuxuu weli ahaa mid xadidan oo kacsan sannado badan. Mabaadi’dii siyaasadeed ee ku dhisnaa caqiiddada Monroe waxaa si rasmi ah loo joojiyay sannadihii 1917dii iyo 1941dii, markaas uu Maraykanku ku biiray quwadihii dimuqraadiga ahaa ee galbeedka sii uu kaga dhinac dagaallamo labadii dagaal ee adduunka. Laakiin, Dagaalkii Qaboobaa ee xigay ayaa Monroe mar kale dib loo adeegsaday si loo fuliyo fargelinno siyaasadeed ee uu Maraykanku waday xilligaas. Madaxweyne Trump iyo Caqiiddada Monroe Xilliga ololihiisa iyo inta uu ku jiray kaalkiisii maamul ee ugu horreeyay, Trump wuxuu dib u soo nooleeyay hal-ku-dhegga “America First”—oo hore loo isticmaalay si loo dhiirrigeliyo siyaasado qawminimo iyo mid gooni-isu-taag ah oo ay wadeen dhowr koox iyo siyaasiyaal qarnigii 19aad iyo 20aad, isagoo ku dooday in Maraykanku uu mudnaanta siiyo arrimaha gudaha halkii uu xoogga saari lahaa khilaafaadka caalamiga ah iyo arrimaha hareerihiisa ka socda. Si kastaba ha ahaatee, mawqifkaasi si weyn ayuu isu beddelay xilligii labaad ee Trump, maadaama maamulkiisu uu qaatay hab faragelin ah oo ku wajahan siyaasadda arrimaha dibadda. Xitaa ka hor inta uusan dib ugu soo laaban xafiiska, Trump wuxuu bilaabay inuu soo jeediyo fikradda ballaarinta dhulka Maraykanka, isagoo doonaya in helo Greenland iyo Kanaalka Panama, mana uusan diidin suurtagalnimada ah in xoog militari loo adeegsado arrintaas. Bishii Juun, wuxuu amray weerarro Maraykan ah oo lagu qaaday saddex xarumood oo nukliyeerka Iran ah. Sidoo kale, bilo ka hor qabashadii Maduro, Maamulkiisu wuxuu kordhiyay cadaadiska uu saarayay dowladda Venezuela, isagoo fuliyay weerarro dhimasho sababay oo lagu qaaday doonyo ku sugnaa Badda Kariibiyaanka iyo Badweynta Baasifigga ee bariga, kuwaas oo lagu eedeeyay inay sideen daroogo. Intaa waxaa sii dheer, Maraykanku wuxuu laba jibaaray militarigii gobolka ku sugnaa, wuxuu xannibaad ku soo rogay maraakiib shidaal qaarkood oo gelaya kana baxaya dalka, wuxuuna ku hanjabay tallaabooyin militari oo dheeraad ah inuu qaadi doono. Tallaabooyinkan ayaa, ugu danbayn, horseeday howlgalkii si weyn loo hadalhayay ee ka dhacay caasimadda Caracas, kaas oo Maduro lagu soo qabtay. Ka dib qabashadii hoggaamiyaha Venezuela, Trump wuxuu wariyayaasha u sheegay: “Waxaan maamuli doonnaa dalka ilaa laga gaarayo waqti uu suurtagal noqdo kalaguur ammaan ah oo habboon, oo caqli ku dhisan.” Trump ayaa, sidoo kale, maalmahan danbe wuxuu ku hanjabay inuu samayn doono faragelin dheeraad ah oo ka dhan ah dalal dhawr ah. Wuxuu mar kale ku celiyay rabitaankiisa ah in Maraykanku ku daro Greenland, wuxuuna soo jeediyay inuu qaadi karo tallaabo militari oo uu ku weerarayo Colombia iyo Mexico. Sidoo kale, wuxuu u digay Iiraan in haddii ay dilaan dibadbaxayaasha inta ay socdaan mudaharaadyada ballaaran ee dalka ka jira, “Maraykanku inuu u iman doono si uu u badbaadiyo.” Maamulka Trump wuxuu si ulakac ah ajandihiisa siyaasadda dibadda ugu xiray falsafaddii Monroe. Farriin uu Trump diray bishii Diseenbar si uu u xuso sannadguuradii Monroe Doctrine, ayuu ku sheegay: “Maraykanku weligiis kama leexan doono difaaca dalkiisa hooyo, danihiisa, iyo badbaadada muwaadiniintiisa. Maanta, maamulkaygu wuxuu si sharaf leh u cusboonaysiinayaa ballanqaadkan, annagoo ku hoos shaqaynayna wax aan ugu yeerayno ‘Trump Corollary’ cusub oo ka mid ah Monroe Doctrine: taasoo ah in dadka Maraykanka ay xukumi doonaan mustaqbalka gobolka iyo guud ahaan ba laatiin Ameerika, aysan jiri doonin cid kale oo maamusha.” Tixraacyo https://www.euronews.com/2026/01/07/what-is-the-monroe-doctrine-that-trump-invoked-to-justify-the-maduro-raid https://time.com/7343795/trump-venezuela-monroe-doctrine-history Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites