Deeq A. Posted 9 hours ago Cadan (Caasimada Online) – Isbeddel weyn oo xagga istiraatiijiyadda iyo awoodda ciidan ah ayaa ka dhacay koonfurta waddanka Yemen, kadib markii Ciidamada Iska-caabinta Qaranka (NRF) ee uu hoggaamiyo Tareq Saalax ay si rasmi ah uga leexdeen isbahaysigii ay la lahaayeen Imaaraadka Carabta, iyagoo toos u hoos tegay taliska Sacuudiga. Tallaabadan ayaa la sheegay inay dhinaca kale u riixday, isla markaana wiiqday awooddii Golaha Kala-guurka Koonfureed (STC), taasoo dib u qaabayn ku samaysay miisaanka awoodda ee xeebta galbeed iyo nawaaxiga magaalada Cadan. Ciidamada NRF oo muddo ku dhow siddeed sano garab taagnaa kooxda gooni-u-goosadka ah ee STC, taageero mug lehna ka helayay Abu Dhabi, ayaa haatan amarkooda iyo dhaqaalahoodaba ka qaata Sucuudiga. Wararka ka imanaya furimaha dagaalka ayaa xaqiijinaya in ciidamadii weli daacadda u ah STC ay dib uga gurteen fariisimihii ay ku lahaayeen gobollada Cadan iyo Lahj, iyagoo u ruqaansaday dhanka saldhiggooda weyn ee al-Dhale. “Hore waxaan amar iyo hagid ka heli jirnay ciidamada Imaaraadka, sidaas darteed daacadnimadeenu iyaga ayay ahayd. Maanta, amarka waxaa ina siiya Sacuudiga oo jooga Cadan, sidaa awgeed iyaga ayaan u hoggaansanahay,” ayuu yiri Ammar, oo ah askari ruug-caddaa ah oo da’diisu tahay 49 jir. Ammar ayaa ku tilmaamay isbeddelkan mid la xiriira anshaxa ciidanka oo aan ku salaysnayn mabda’ siyaasadeed, isagoo xusay in askarigu uu raaco taliyihiisa si looga fogaado fowdo. Isbeddelkan ayaa dardar yeeshay bishii hore kadib markii Sacuudigu taageeray dalabka Golaha Hoggaanka Madaxtooyada (PLC) ee ahaa in ciidamada Imaaraadku ka baxaan deegaannadaas. Tani waxay timid kadib xiisad ka dhalatay markii diyaaradaha Sacuudigu duqeeyeen shixnad hub ah oo u socotay kooxaha gooni-u-goosadka. Sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo askar ku sugan baraha koontaroolka ee gobolka Lahj, calanka Jamhuuriyadda Yemen ayaa hadda lagu beddelay calankii “gooni-isu-taagga” ee STC oo horay halkaas uga baban jiray xilligii joogitaanka Imaaraadka. Jaawid Subayxi, oo 34 jir ah kana tirsan ciidamada ku sugan Lahj, ayaa sheegay in khilaafkii soo kala dhex galay Riyadh iyo Abu Dhabi uu ku riixay dagaalyahanno badan inay la saftaan Sucuudiga. Wuxuu intaas ku daray in Sacuudigu hadda wado qorshe uu ku doonayo inuu ku mideeyo kooxaha kala daadsan ee hubeysan, si loo hoos geeyo Wasaaradda Gaashaandhigga, taasoo loo arko tallaabo loo qaaday dhanka dhismaha ciidan qaran oo mideysan. Dhaqaalaha oo ah isha isbeddelka Awoodda wareegtay ayaa sidoo kale waxaa sii xoojiyay dhanka dhaqaalaha. Askarta NRF ee ku sugan xeebta galbeed ayaa markii ugu horreysay mushaharkoodii bishii Janaayo ka helay Sacuudiga. “Waxaan ka cabsi qabnay in mushaharku istaago bixitaankii Imaaraadka kadib, balse waan la yaabnay markii Sucuudigu bixiyay mushaharaadkayagii,” ayuu yiri Amiin Raashid oo ka tirsan ciidamada NRF. Taageerada maaliyadeed ee Sacuudiga ayaan ku ekayn kaliya ciidamada, balse waxay sidoo kale bixiyeen mushaharaadka shaqaalaha rayidka ah iyo maalgelinta mashaariicda gargaarka sida isbitaallada, kuwaas oo markii hore ay gacanta ku haysay Imaaraadka. Maxamed Cali, oo ah saxafi u dhashay Yemen, ayaa ka digay khatarta ay leedahay in daacadnimadu ku xirnaato cidda lacagta bixinaysa, maadaama hay’adihii dowladdu ay burbureen. “Dalka bixiya adeegyada aasaasiga ah iyo mushaharaadka shaqaalaha ayaa hannanaya taageerada shacabka,” ayuu yiri Maxamed, isagoo ka digay in xaaladdan ay tahay mid u eg “calooshood u shaqeysnimo” oo daacadnimadu is beddeli karto mar walba oo maalgeliyuhu is beddelo. Wuxuuna ku baaqay in la helo xal dhaqaale oo waara oo dalku ku maareeyo khayraadkiisa. The post Imaaraadka oo jab kale oo weyn kala kulmay Sacuudiga appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites