Deeq A. Posted 6 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay guusha Maryan Qaasim Axmed oo maanta loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka kadib doorasho ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho. Maryan Qaasim oo horay xilal kala duwan usoo qabatay ayaa heshay 5 cod, halka musharixii la tartamay ee Cumar Cabdulle Calasow uu isna helay 4 cod, kadib codeyn ay sameeyeen sagaalka xubnood ee Guddiga Xuquuqul Insaanka. Horay ayaa loo saadaalinayay inay guuleysaneyso Maryan Qaasim, sababo la xiriira aqoonteeda iyo qibradeeda, maadaaama ay horay usoo qabatay xil wasiir, kana soo shaqeysay arrimaha bani’aadanimada dalka. Haddaba sidee looga fal-celiyay guusha Maryan Qaasim? Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa soo dhaweeyay doorashadan, wuxuuna hambalyo u diray Maryan Qaasim isaga oo sheegay in guusheeda ay muujineyso kalsoonida lagu qabo aqoonteeda. “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Dr. Maryan Qaasin Axmed, oo ay maanta doorteen xubnaha Guddiga. Doorashada Dr. Maryan waxa ay muujinaysaa kalsoonida lagu qabo aqoonta, waayo-aragnimada iyo hufnaanteeda, si ay u hoggaamiso hay’ad muhiim u ah dowladnimada iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza. Sidoo kale wuxuu kusii daray “Xukuumadda DanQaran waxaa ka go’an xoojinta hay’adaha madaxa-bannaan, gaar ahaan kuwa u xilsaaran difaaca, horumarinta iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, kuwaas oo ah tiir muhiim u ah nabadda, caddaaladda iyo dowlad-wanaagga. Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajeynayaa guul iyo hawl-qabad miro-dhal ah oo ay ku horumariso doorka Guddiga Xuquuqul Insaanka, si loo xaqiijiyo ilaalinta karaamada muwaadinka iyo xuquuqdiisa aasaasiga ah”. Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Marwo Shamso Maxamed Yarow, ayaa iyadana hambalyo iyo bogaadin u dirtay Marwo Maryan Qaasim Axmed iyo xubnaha kale ee kusoo baxay guddoonka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya. Wasiir Shamso ayaa intaasi ku dartay in guusha Marwo Maryan Qaasim ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo difaaca iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, isla markaana ay dhiirrigelin u tahay haweenka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Golaha Dhalinyarada Soomaaliyeed, Maxamed Cali Saciid oo isna qoraal soo saaray ayaa sheegay inuu ku kalsoonyahay kartida Maryan Qaasim, wuxuuna u rajeeyay in Alle uu fududeeyo mas’uuiyadda loo igmaday. “Waxaan u hambalyeynayaa Maryan Qaasim oo loo magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka. Maryan Qaasimboo aan wada ognahay howlkarnimadeeda waxaan leeyahay allaha kugu guuleeyo masuuliyaddaan culus” ayuu yiri Maxamd Cali Saciid. Si kastaba, Dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay kala soo wareegtay QM Maamulka Xuquuqul Insaanka Dalka. The post Sidee looga fal-celiyay guusha Maryan Qaasim Axmed? appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites