Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya ma raaligelin ayay ka bixisay celinta diyaaradihii Garowe iyo Kismaayo?

Recommended Posts

Deeq A.   
1000128837.jpg

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war u muuqda in ay raaligelin ka bixisay tallaabadii ay ku celisay diyaaradihii waday ilaalada madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in ay nasiib darro ahayd wixii dhacay maalintii isniinta ee 1-dii bishan Febraayo, taas oo ahayd in Muqdisho laga celiyay labo diyaaradood oo waday ciidamo iyo wafuud hor-u-dhac u ahayd Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hore u sheegtay in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay jabiyeen baratakoollada iyo habraacyada lagu sugo amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, kaddib markii ay hub iyo ciidamo ku soo rareen diyaarado.

Golaha Mustaqbalka wuxuu shuruud ugu dhigay ka qaybgalka shirka Muqdisho in ay Dowladda Federaalka raaligelin ka bixiso tallaabadii ay qaaday, iyada oo labada dhinac ay dhexdhexaadinaysay Beesha Caalamka.

1000129949-1043x1440.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this