Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo amaanay ciidamada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
1000130150.jpg

Taliye ku-xigenka Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaan (AFRICOM) oo qaabilsan Iskaashiga Rayidka iyo Militariga ee taliskaas Danjire Rebert Scott, ayaa si weyn u amaanay ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish.

Danjire Rebert Scott oo la hadlay warbaahinta Fox News ee Maraykanka ayaa sheegay in ciidanka Puntland burburiyeen shabakad xoogan oo kooxda Daacish ku lahayd buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

“Waxay dib ula wareegeen dhul ballaaran, run ahaantii waa saaxiibo la isku halayn karo kuwaasi (Puntland). Anaguna waxaan ku taageernay wadaagista xogta sirdoonka, kormeer iyo sahmin iyo sidoo kale weerarro duqeymo cirka ah. Inta badan dhulkii ay ISIS Soomaaliya hore uga talin jirtay ee ku yaallay Puntland oo ah maamul iskiis u madaxbannaan oo ku yaalla Waqooyi-Bari Soomaaliya hadda waxa gacanta ku haya ciidamada difaaca Puntland,” ayuu Scott yiri.

“Dagaalka kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ee Soomaaliya, keliya gacan nagama siiyaan dowladaha deriska ee Kenya, Itoobiya iyo Uganda balse Puntland, Jubbaland & Somaliland ayaa noqday la-howlgalayaal wax-ku-ool ah oo ka qayb-qaata dagaalka ka dhan ka ah kooxaha argagixisada” ayuu raaciyay.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this