Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaraha F-16 ee Turkiga oo Hawada Muqdisho ku sameeyay Dhoolatus Duullimaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaaradaha dagaalka ee nooca F-16, oo ay dhawaan ka keentay Dawladda Turkigu, ayaa subaxnimadii hore ee maanta lagu arkay hawada caasimadda, iyadoo sameynaya gaafwareegyo iyo tijaabooyin duullimaad.

Diyaarahan, oo tiradoodu tahay saddex, ayaa ku biiraya howlgalka ka dhanka ah kooxda al-Shabaab iyo difaaca dalka, iyagoo la shaqayn doona ciidanka cirka Soomaaliya.

Sida ay sheegeen saraakiisha militarigu, diyaaradaha F-16 waxaa loo adeegsadaa in lagu xoojiyo awoodda ciidamada ee dhanka cirka, isla markaasna waxaa lagu xaqiijin doonaa ammaanka caasimadda iyo degmooyinka ku xeeran.

Tani waa tallaabo cusub oo ka tarjumeysa xiriirka milatari ee sii xoojinaya iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo la filayo in diyaaradaha F-16 ay ka qeybqaataan dagaalka lagula jiro al-Shabaab.

F-16 waa diyaarad dagaal oo nooc jiilka 5aad ee casriga ah kamid ah, waxayna awood buuxda u leedahay fulinta duqeymaha hawada sare, ayadoo si fudud isku gedgedinka karta, una aagbeddelan karta inta ay hawlgalkan ku jirto.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this