Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Socdaalka guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa qayb ka ah kormeer iyo dardargelin ku saabsan hawlaha doorashooyinka iyo qiimeynta diyaar garowga maamulka ee qabashada doorashada qof iyo codka ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay kala tashan doonaan arrimaha doorashooyinka.

​”Waxaan maanta halkan u nimid inaan la tashi iyo kormeer ku samayno hannaanka u diyaar-garowga doorashooyinka qof iyo codka ah ee aan hiigsanayno. Maamulka Koonfur Galbeed waa tiir muhiim u ah federaalka, waxaana rabnaa inaan xaqiijinno in farsamo ahaan iyo niyad ahaanba loo diyaar yahay in muwaadinka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanadan uu codkiisa dhiigto.”ayuu yiri Cabdikariin

Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo wafdigiisa waxa ay kulamo la yeelan doonaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Maamulkaas Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this