Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Cirro oo ๐’๐š๐ง๐š๐๐ค๐ข๐ข ๐ฅ๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก ๐š๐ก ๐ค๐š qa๐ฒbgalay ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐จ๐ซ๐ฅ๐ ๐†๐จ๐ฏ๐ž๐ซ๐ง๐ฆ๐ž๐ง๐ญ๐ฌ ๐’๐ฎ๐ฆ๐ฆ๐ข๐ญ ๐ž๐ž ๐ƒ๐ฎ๐›๐š๐ข -๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1770119412867-300x184.jpg

FB_IMG_1770119416594-280x300.jpg

FB_IMG_1770119420393-300x228.jpg

FB_IMG_1770119423758-300x246.jpg

FB_IMG_1770119428937-300x200.jpg

FB_IMG_1770119441467-280x300.jpg

FB_IMG_1770119481178-1-200x300.jpg

FB_IMG_1770119470834-300x200.jpg

FB_IMG_1770119462980-300x200.jpg

FB_IMG_1770119458533-300x249.jpg

FB_IMG_1770119453288-300x273.jpg

FB_IMG_1770119484221-228x300.jpg

FB_IMG_1770119490190-300x200.jpg

FB_IMG_1770119498534-300x259.jpg

FB_IMG_1770119474095-200x300.jpg

FB_IMG_1770119448941-300x200.jpg

FB_IMG_1770119444567-300x200.jpg

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐’๐š๐ง๐š๐๐ค๐ข๐ข ๐ฅ๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก ๐š๐ก ๐ฅ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ-๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐จ๐ซ๐ฅ๐ ๐†๐จ๐ฏ๐ž๐ซ๐ง๐ฆ๐ž๐ง๐ญ๐ฌ ๐’๐ฎ๐ฆ๐ฆ๐ข๐ญ ๐ž๐ž ๐ƒ๐ฎ๐›๐š๐ข -๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sanadkii labaad oo xidhiidh ah ka qayb-galay Shirka Caalamiga ah ee Kulanka Dawladaha Adduunka (World Governments Summit), oo ka qabsoomay Magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

FB_IMG_1770119428937-300x200.jpg

Shirkan oo ka mid ah kulamada Caalamiga ah ee ugu muhiimsan Dunida, waxa badanaaba diiradda lagu saaraa hoggaaminta casriga ah, maamul-wanaagga, horumarinta Dawladnimada, iyo aragtida mustaqbalka caalamka.

Shirka World Governments Summit ee sanadkan waxa ka soo qaybgalay kumannaan qof, kuwaas oo isugu jiray Madax Dawladeed, Hoggaamiyeyaal Caalami ah, Raโ€™iisul-wasaarayaal, Wasiirro, Khubaro Caalami ah, Ganacsato waaweyn, iyo Wakiillo ka socda Hayโ€™adaha waaweyn ee Caalamiga ah. Ka soo qaybgalka ballaadhan ee heerkan ahi waxa uu muujinayaa miisaanka iyo saamaynta uu Shirku ku leeyahay jihaynta Siyaasadda iyo Horumarka Caalamiga ah.

FB_IMG_1770119434436-271x300.jpg

Ka qaybgalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Shirka sanadkii labaad oo xidhiidh ah waxa uu si cad u muujinayaa doorka sii kordhaya ee ay Somaliland ku leedahay Fagaarayaasha Caalamiga ah.

FB_IMG_1770119423758-300x246.jpg

Madaxweynaha ayaa inta uu shirku socdo fursad u heli doona in uu kulammo midho-dhal ah la yeesho Hoggaamiyeyaal iyo Masuuliyiin Caalami ah, isaga oo faahfaahin ka bixin doona horumarka, xasilloonida, iyo hiigsiga mustaqbal ee Jamhuuriyadda Somaliland. Sida oo kale, ka qaybgalka Shirkan Caalamiga ah waxa uu Somaliland u leeyahay faaโ€™iido diblomaasiyadeed oo weyn, maaddaama Jamhuuriyadda Somaliland ay codkeeda, aragtideeda iyo waayo-aragnimadeeda Dawladnimo ka dhiibanayso Madal Caalami ah, taasi oo xoojinaysa xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga Caalamiga ah.FB_IMG_1770119412867-300x184.jpg
Shirka World Governments Summit waxa si gaar ah diiradda loogu saaraa hal-abuurnimada Dawladnimada, Adeegsiga Teknoolajiyadda casriga ah, Isbeddellada Caalamiga ah, iyo xoojinta wada-shaqaynta dalalka dunida, taasi oo Jamhuuriyadda Somaliland u noqotay madal muhiim ah oo ay ku muujiso Aragtideeda, danaha Qarankeeda, iyo Doorkeeda Gobolka iyo Caalamkaba.

Jamhuuriyadda Somaliland oo sannadkii 2-aad oo xidhiidh ah ka qayb-gashay Shirka Caalamiga ah ee World Governments Summit, waxa uu astaan cad u yahay dedaallada joogtada ah ee ay Xukuumada Wadajir iyo Waxqabad ugu jirto xoojinta xidhiidhada diblomaasiyadeed, kor u qaadista magaca iyo sumcadda Caalamiga ah, iyo halganka uu Qaranka JSL ugu jiro xaqiijinta Aqoonsi buuxa oo Caalami ah, iyada oo ay Somaliland si kalsooni iyo ku-dhacba leh uga muuqanayso Masraxayada Caalamka.

Wefiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka mid ah:

FB_IMG_1770119462980-300x200.jpg

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,
Wasiirka Madaxtooyada,
Wasiirka Macdanta & Tamarta,
Wasiirka Diinta & Awqaafta,
Madaxa Xafiiska Madaxweynaha (Chief of Staff); Safiirka Somaliland ee UAE, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda,

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this