Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo war cusub kasoo saartay gogosha Xasan ee Golaha Mustaqbalka

Recommended Posts

Deeq A.   
xasan-sheekh.webp?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo galabta warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay dib u dhaca ku yimid wada-hadallada la filayo inay yeesheen Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka ee looga hadlayo xaaladda cakiran, gaar ahaan Dastuurka iyo Doorashooyinka.

Ugu horreyn dowladda dhexe ayaa ku celisay in weli ay fidsantahay gogosha uu dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay adkaynayso inuu qabsoomo shirkaaas, muhiimadduna ay tahay ilaalinta midnimada dalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliyaiyadaoo ka duulaysa mas’uuliyadda qaran ee ka saaran ilaalinta midnimada dalka wada-jirka bulshada Soomaaliyeed, iyo xoojinta hannaan wada-tashi ku dhisan, waxay mar kale adkaneysaa in gogosha wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ay fidsantahay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, waxayn dowladdu wax laga xumaado ku tilmaamtay is hortaaggii lagu sameeyay ciidamadii ay iska soo hormariyeen madaxweynayaasha Jubbaand iyo Puntland oo qayb ka ah shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho, arrintaas oo sababtay in wufuuddii imaan lahayd caasimada ay dib u dhacaan.

“Waxaa nasiib darro ah dhacdadii dhacday 1-dii Febraayo 2026 iyo dib u dhicii ku yimid qaar kamid ah wufuuduu Golaha Mustaqablka” ayaa markale lagu yiri bayaanka.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka ayaa ku baaqday inay diyaar u tahay in khilaafka taagan lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad, iyada oo la tixgelinayo xaaladaha adag ee ka taagan dalka, sida abaaraha iyo dagaalka Al-Shabaab.

Waxaa kale oo ay rajo wanaagsan ka muujisay in shirka uu guulesto, isla markaana wada-hadalladu ay noqdaan kuwa mirodhala.

“Waxana rajanaynaa in shirkan uu noqdo mid mirodhal ah, dhinacyaduna niyad wanaag ku wajahaan” ayaa lagu soo gababageeyay qoraalka.

627675218_1436035211896414_7388197185990Screenshot

The post DF oo war cusub kasoo saartay gogosha Xasan ee Golaha Mustaqbalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this