Deeq A. Posted 9 hours ago Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadda sare ee Puntland waxaa saaka oo talaado ah dil toogasho ah lagu fuliyay Hodan Maxamuud Diiriye oo hore loogu helay dilka Saabiriin Saylaan Cabdulle. Marxuumad Hodan oo ahayd hooyo ifka uga tagtay in ka badan 10 carruur ah, waxaa lagu toogtay meel fagaare ah oo ku taalla duleedka magaaladda Gaalkacyo, waxaana qisaasta dilka soo dhaweeyay qoyska marxuumad Saabiriin, iyaga oo u mahadceliyay dowladda Puntland. Maxkamadda darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa 24-kii bishii Nofeembar 2025 dil toogasho ah ku xukuntay Hodan Maxamuud Diiriye oo ku eedeysnayd in ay magaalada Gaalkacyo tacaddi dil ah ugu geysatay Saabiriin oo gurigeeda ku noolayd. Marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdulle oo ahayd gabadh yar oo 14 sano jir waxaa magaalada Gaalkacyo lagu dilay 12-kii bishii Nofeembar 2025, waxaana dilkeeda ka dhashay mudaharaadyo ay saameyeen haweenka magaaladaas. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites