Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamse oo jeediyay hadallo uu ugu duur-xulay Deni iyo Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   
1000129596.jpg

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta jeediyay hadal ay dadka qaarkii u arkeen in uu kaga jawaabayo diyaaradihii Muqqdisho laga celiyay ee siday ciidamo ilaalo u ah madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa yiri “dadka qaarkood malaha waxay u baahan yihiin in ay soo booqdaan oo arkaan amniga Muqdisho, waxaa laga yaabaa in weli uu caqligooda ku jiro waxyaabihii ay maqli jireen ama arki jireen”.

“Laakiin waxaan rabaan in aan u sheego Muqdisho, Muqdishadii hore ee aad taqaaneen maahan, way soo noqotay, waxayna ku jirtaa caasimadaha ugu amniga badan” ayuu raaciyay.

Ra’iisul Wasaare Xamse wuxuu ku baaqay in aan Muqdisho la suurad-xumeyn oo dib loogu celin magac-xumadii iyo fool-xumadii ay soo martay.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this