Deeq A. Posted 5 hours ago Hawada magaalada Muqdisho waxaa saakadii hore lagu arkay diyaarado dagaal oo uu leeyahay Turkiga, kuwaas oo dhoolatus milatari sameynaya. Diyaaradahan oo la sheegay in ay ahaayeen labo xabo oo ahaa nooca F-16 waxay ka kaceen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Diyaaradahan ayaa dhawaan yimid Muqdisho, kuwaas oo la sheegay in ay qeyb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka kooxa ah Al-shabaab. Turkiga wuxuu saameyn weyn ku yeelahay magaalada Muqdisho, isaga oo ku leh saldhigga ugu weyn ee dalkiisa ka baxsan, waxaana shirkado uu leeyahay maamulaan dekedda iyo garoonka diyaaradaha. Sidoo kale Turkiga wuxuu shidaal baaris ka wadaa xeebaha koonfurta Soomaaliya, islamarkaana waxaa jira warar sheegaya in uu xarun Dayax -gacmeed dhawaan ka hirgalin doono gobolka Shabeellaha Dhexe. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites