Sign in to follow this  
Deeq A.

Iiraan oo Beenisay inay Dhoolatus Militari ku Samaynayso Marinbiyoodka Hormuz

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uul ka tirsan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa si cad u beeniyay warar ay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta, kuwaas oo sheegayay in ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan ay qorsheynayeen inay sameeyaan dhoolatus ciidan iyo tijaabo militari oo rasaas nool nool la adeegsanayo, kaas oo ka dhacaya gudaha Marin-biyoodka Hormuz.

Mas’uulkaas, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegay in aysan jirin wax qorshe ah oo ay ciidammada Ilaalada Kacaanku ku qabanayeen tababarro ciidan marinbiyoodkaas, isla markaana aysan jirin wax ogeysiis rasmi ah oo arrintaas ku saabsan oo ay Dawladda Iiraan soo saartay.

“Ma jiro wax qorshe ah oo Ilaalada Kacaanku ku qabanayaan tababarro ciidan halkaas, mana jiro wax ku dhawaaqis rasmi ah, waxa kaliya ee jiray waa warar warbaahineed oo aan sax ahayn,” ayuu yiri mas’uulkaasi.

Wararkan la beeniyay ayaa yimid kaddib markii telefishinka dowladda Iiraan ee Press TV uu Khamiistii sheegay in ciidammada badda ee Ilaalada Kacaanku ay qorsheynayeen inay sameeyaan tababarro ciidan oo ka dhaca Marin-biyoodka Hormuz taariikhaha 1da iyo 2da Febraayo.

Marinbiyoodka Hormuz ayaa ah mid ka mid ah marinbiyoodka ugu muhiimsan caalamka, maadaama ay si weyn u adeegsadaan maraakiibta shidaalka adduunku, waana aag xasaasi ah uu saamayn ku yeelan kara dhaqdhaqaaq ciidan oo kasta.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this