Sign in to follow this  
Deeq A.

KADDARE: QORAALKA FARTA KAALIN WEYN BUU KU LAHAA, AF SOOMAALIGANA KEYD BUU U AHAA

Recommended Posts

Deeq A.   

W/Q: Barre Sheekh Cabdullaahi (Bangaladhesh)
 
Xuseen Sheekh Axmed Hilowle (Kaddare), Alle ha u naxariistee, waxa uu ku dhashay baaddiyaha magaalada Cadale ee gobolka Shabeelaha dhexe sannadkii 1934. Barashada Quraanka kariimka ah, dugsigiisii hoose, dhexe, sare iyo koritaankiisiiba waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho.

Xuseen Sheekh Axmed Kaddare oo ahaa nin caaqil ah, waaya-arag ah oo fiiro dheer ayaa yaqiinsaday in uu gaboobay oo noqday oday da’ ah, markaas ka dib waxa uu fishaana ay uun ahayd geeridiisa. Tixda shiribka ah oo soo socota ayuuna ku cabbiray waayeelnimadiisa, isagoo dadkiisa u sheegayana waxa uu yiri:

“Toddobo aan isku tuhmay aan tolka wax uga taabahaa,
Tobankii toddobaatanaad inta tirshaan ku tiirshay meel;
Toddobo aan ka tuurayna, inta aan la i tuhmin wayga taas
Haddaan timiha taabtana, wixii tafnaan jiraan tabaa
Haddaan tillaabta tuurana, inta istafaan dhulka istubaa;
Taydaana ila toosanoo, toban jir aan isu tirshaa
Meel ay tacsi facayga taal, markaan arkaan istuhmaa
Tii Alle haddii ay timaad, leylama tashee, waa tarxiil.”
 
Marxuumka ayaa la sheegay in muddo uu xanuunsanaa, isla markaasna caafimaad dibadda ah loo qaaday, balse markii dambe dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho. Alle ha u naxariistee 1dii Febraayo 2015 ayuuna hal-abuure, halyey, iyo halgamaa Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kaddare ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaal magaalada Muqdisho. Waxa uu ka mid ahaa hal-abuurradii Soomaaliyeed, isla markaasna uu ka mid ahaa dadkii qoray far Soomaaliga.

Alle ha u naxariistee Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare) waxa uu ka mid ahaa horseedkii dhaqdhaqaaqa gobanimodoonka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee (SYL). Waxa uu ka mid ahaa Alle ha u naxariistee dadkii bilaabay halgankii loo soo galay qoraalka farta Soomaaliga, waxa uuna lahaa far u gaar ah oo la oran jiray “Kaddariya”.

Marxuum Xuseen Sheekh Axmed Kaddare Alle ha u naxariistee waxa uu ka mid ahaa gudigii Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, waxa uuna sameeyay  riwaayado  ay ka mid ahaayeen: Nimaan Joogik ma Jiraayo iyo Sabool Dagaal uma Daaho. Waxaa kale oo marxuumku qoray buuggiisii caanka ahaa ee Warsame iyo Waasuge: Socdaalkii 30ka Maalmood. Dhinca kalana waxa uu marxuumku ka qeyb qaatay suugaantii silsiladda Deelleyda.

Sannadkii 1958-1959 Kaddare waxa uu soo saaray qoraal ku aaddan farta Soomaaliga, san’adkii 1960kii markii ay dhalatay Dawladdii Rayidkana waxa uu ka mid ahaa guddigii Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan magacaabay, ee loo xilsaaray qoraalka farta Soomaaliga.

1966kii UNESCO ayaa Soomaaliya u soo dirtay guddi, waxa uuna qiimayn uu sameeyay ku tilmaamay in Shire Jaamac Axmed uu ahaa ninka kaalinta koowaad galay, Xuseen Sheekh Axmed Kaddare Allaha u naxariiste oo ku xigayna uu galay kaalinta labaad, waxa uuna guddigaas ka socday UNESCO soojeediyay in farta laga dhigo mid uu caalamku fahmi karo.

1971kii waxa uu ka mid ahaa odoyaashii loo xilsaaray qorista farta Soomaaliga ee aan maanta adeegsanayno, sidoo kale waxa uu madax ka ahaa guddigii qiimaynta buugagga far Soomaaliga iyo Suugaanta ah, waxaana uu ahaa shaqsi hal-abuur leh oo ummadda Soomaaliyeed aysan xusuustiisa ka go’i doonin, wixii uu u qabtayna uu noqon doono keyd dhaxal ah oo Soomaali oo dhan dhigaal u ah.
 


Alle ha u naxariistee Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare) qoraalka farta kaalin weyn buu ku lahaa, af Soomaaliga keyd buu u ahaa.

Hadal murti leh ayuu ka jeediyay bandhig 29kii Julaay 2011kii ka dhacay Imperial Hotel oo Hargeysa ku yaal, bandhiggaas oo la magacbaxay “Hargeysa iyo Habeen Kaddare”. Waxa uu halkaas ka sheegay, in uu ahaa ninkii u horreeyay oo Golihii Sare ee Kacaanku u yeero si ay ugala sheekaystaan farta uu qoray. “Goor galab ah ayaa gaari OTA-OTA ah la ii soo diray, gaariga noocaas ah qofkii loo soo dirana xarig ayuu filan jiray, darawalkii ayaase igu yiri “Xarig laguuma wado” ayuu Kaddare madashaas ka yiri.

Dr. Kaddare muddooyinkii dambe ee Xukuumaddii Militarigu dalka maamulaysay waxa uu madax ka ahaa shirkad wax dhoofisa waxna soo dejisa oo la oran jiray: “Kaddare and Sons”.

Ka dib markii uu dhacay isbeddelkii xukunka looga tuuray golihii sare ee kacaankana waxa uu wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha ka noqday Xukuumaddii Kumeelgaarka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa, Alle ha u naxariistee, Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed.

Gabagabadiina waxa aan soo jeedin lahaa in la sameeyo Naadiga Dhaqanka ee Kaddare, haddii uu jirana la xoojiyo waayo waxa uu, isagoo kale, mudan yahay in laga dhigto qof lagu daydo ama saantiisa la raaco. Ilaahay ha u naxariisto, ha ka raalli noqdo, Rasuulkeenna Muxamedna NNKH jaalkiisa ha ka yeelo. Ammiin.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this