Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo mar kale Caddeeyay Mawqifkiisa Midnimada iyo Wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Maraykanka ayaa si cad u sheegtay inaysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid mawqifkeeda ku aaddan aqoonsiga Soomaalilaan, ka dib warar iyo hadalhayn aalmihii u dambeeyay soo baxayay oo ku saabsanaa suurtagalnimada in Washington ay dib u eegto siyaasaddeeda arrintan la xiriirta.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Mareykanku uusan hadda hayn arrin cusub oo la xiriirta aqoonsiga Soomaalilaan, isaga oo hoosta ka xarriiqay in siyaasadda rasmiga ah ee Mareykanka aysan waxba iska beddelin.

Afhayeenku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Washington ay weli si buuxda uga go’an tahay taageeridda madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mas’uulkan u hadlay Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu uu xiriir shaqo oo wanaagsan la leeyahay Soomaalilaan iyo maamulhoosaadyada kale ee ka tirsan Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in xiriirkaasi uu ku saleysan yahay arrimo la xiriira amniga, horumarinta, gargaarka bani’aadannimo iyo xasilloonida gobolka, balse aysan Washington miiska u saarnayn qorsheyaal kale oo intaas ka baxsani.

Hadalkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa imanaya xilli dood xooggan ay ka taagan tahay mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaalilaan iyo xiriirka ay dhowaan la samaysay maamulka Israa’iil, iyadoo marar badan ay xukuumadda Cirro sheegtay in Maraykanku uu wado qorshe uu ku qoonsanayo degaannada waqooyiga Soomaaliya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this