Deeq A. Posted 4 hours ago Muddo sannado ah, TikTok waxa uu ahaa mid ka mid ahaa baraha bulshada ee ugu dhaqsaha badan ee dunida ku faafa, iyadoo tirada adeegsadayaashiisu ay gaareen ku dhowaad 1.6 bilyan. Aaladan oo in ku siman 10 sano dhallinyarada u ahayd goob madadaalo, islamarkaana hal-abuurka iyo muuqaallada dhacdooyinka lagu soo bandhigo ayaan haatan wajahaysa tartan adag oo dhinaca isticmaalka ah. Maalmihii ugu danbeeyayse, malaayiin qof ayaa bilaabay inay raadiyaan beddel cusub oo ka duwan TikTok, ka dib markii ay soo baxday bar cusub oo u muuqata mid si toos ah ula tartamaysa TikTok, laguna magacaabo UpScrolled. UpScrolled waa madal la mid ah Instagram, TikTok iyo X (Twitter), balse waxa ay kaga duwan tahay maqnaanshaha xaddidaadaha lagu sameeyo qoraallada iyo isticmaalayaasha. Ujeeddada ugu weyn ee app-kan loo sameeyay waa xorriyadda hadalka iyo daahfurnaanta xogaha, iyadoo aan ilaa hadda laga isticmaalin algorithms qarsoon oo xukuma waxa dadka loo soo bandhigo. Arrintan awgeed, kumannaan qof ayaa si degdeg ah ugu qulqulay UpScrolled, iyadoo tirada soo dejinteeda ee Android ay gaartay in ka badan 700,000 oo jeer. App-ku waxa uu galay kaalinta labaad ee apps-ka ugu badan ee la soo dejiyo, gaar ahaan mareegaha Apple ee Maraykanka, iyadoo baahida badan awgeed, adeegyadii barnaamijku ay istaageen, balse hawlwadeennada ayaa 24 saacadood gudahood ku xaliyay, iyaga oo ballaariyey kaabayaasha farsamo ilaa 400%, si ay u qaabilaan malaayiin adeegsadayaal cusub ah. Xilli uu ka qeybgalayay Shirka Web Summit ee lagu qabtay Doha, aasaasaha barnaamijkan, oo ah ganacsade Falastiini ah oo lagu magacaabo Cismaan (Essam) Xijaazi, ayaa sharraxay waxa ay UpScrolled kaga duwan tahay baraha kale. Wuxuu sheegay in madashani ay si siman u siinayso dhammaan isticmaaleyaasha fursad ay ku cabbiraan aragtidooda, iyadoon loo eegayn fikir siyaasadeed, midig, bidix ama aragti kale. Sidoo kale, ma jirto kala saarid lagu sameeyo nuxurka la daabaco, xitaa haddii qofku yahay mid awood leh ama uu taageero ajende ama dowlad gaar ah, waxaana Algorithms-ka UpScrolled loo naqshadeeyay inaysan ku khasbin isticmaalaha wax nuxur ah, balse qof walba uu isagu gacanta ku hayo waxa uu arko. Adeegsadayaal badan ayaa arrintan si weyn u soo dhaweeyey, iyagoo sheegay inay ka daaleen tirtiridda qoraalladooda, gaar ahaan isticmaaleyaasha Mareykanka, waxayna Taasi keentay in UpScrolled ay mar kale gasho kaalinta koowaad ee apps-ka ugu badan ee la soo dejiyo ee Apple Store, iyadoo ka hor martay WhatsApp, TikTok, Threads iyo Instagram. Warbixin ay soo saartay shirkadda falanqaysa suuqa apps-ka ee Sensor Tower ayaa muujisay in 85% soo dejinta UpScrolled ay ka dhacday Mareykanka, gaar ahaan kaddib markii TikTok uu galay marxalad milkiyad Mareykan ah, taas oo dhalisay cabsi ku saabsan xakamaynta nuxurka. UpScrolled waxay sidoo kale boggeeda ku ballanqaadday inaysan ka faa’iidaysan doonin xogta isticmaaleyaasha, isla markaana aysan xannibi doonin codadka muujinaya isgarabtaag, ama aysan u eexan doonin dadka awoodda leh iyo hantida badan. Doodo kala duwan ayaa ka dhashay madashan cusub, ayadoo lagu tilmaamay meel ay xorriyad ku heleen isticmaalayaashu, halka qaar kalena ay ka digeen in lagu koobo hal arrin oo qura, sida qaddiyadda Falastiin, taas oo ka dhigi doonto meel aysan ku qanci doonin dadka kala fikirka ahi. Aasaasaha barnaamijkan Cismaan Xijaazi ayaa sheegay in markii hore dad badani ay u arkeen fikraddiisa mid waalli ah, maadaama uu la tartamayo shirkado waaweyn, balse wuxuu ku adkaystay in ujeeddadiisu tahay difaacida codadka xorta ah, ayadoo ugu danbayn, riyadiisii ay rumowday, UpScrolled-na ay gaartay 2.5 milyan oo isticmaalayaal firfircoon ah waqti aad u kooban gudaheed. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites